Madaxweynaha dalka Nigeria oo Maraykanka ku eedeeyay in uu boko Xaraan caawiyo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha dalka Nigeria oo Maraykanka ku eedeeyay in uu boko Xaraan caawiyo
July 24, 2015 - Written by Editor:

Madaxweynaha dalka Nigeria Maxamadu Buhari ayaa ku eedeeyay waddanka Maraykanka in uu kaalmaynaayo sii jiritaanka ururka Boko Xaaraam oo weeraro iyo afduubyo tiro badan ka geysta gudaha dalka Nigeria.

nayjeeriya

Buhaari ayaa hadalkan sheegay ka dib markii uu madaxweyne Obama ka diiday codsi uu u gudbiyay kaas oo uu kaga dalbanaayay in la siiyo hub casriya oo uu kula dagaalamo Boko Xaraam.

Sharciga Maraykanka ayaa dhigaya in aan wax hub ah lagu caawin dalalka dayaca xuquuqda Aadamaha.

 

Buhaari oo dhawaan la wareegay talada dalka Nigeria ayaa wacad ku maray in uu ka sifayn doono dalkiisa ururka Boko Xaram balse waxa ka horaysa in uu dib u habayn ku sameeyo hannaanka dhaqaale ee dalkiisa.

 

COMMENTS
LINKS