Madaxwayne Siilaanyo Oo Lafilayo Inuu Isku Shaandhay Balaadhan Ku Sameeyo Xukuumadiisa Maxayse Kaga Duwanaan Doontaa Isku Badaladii Hore’? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Siilaanyo Oo Lafilayo Inuu Isku Shaandhay Balaadhan Ku Sameeyo Xukuumadiisa Maxayse Kaga Duwanaan Doontaa Isku Badaladii Hore’?
July 13, 2015 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Xukuumada madaxwayne siilaanyo ayaa xiligan dhamaysatay mudadii sharciga ahayd ee la doortay taasi oo golaha guurtiduna u sameeyeen mudo kordhin wali  moran ka taagan yahay,

sawirada badalka xukuumada

Xiligan oo ah xili kala guura ah dhinaca siyaasada  iyo xoogaysiga mucaaridada Madaxwayne  silaanyo ayaa la filayaa inuu sameeyo isku shaandhayn balaadhan islamarkaana uu ku soo xulan doona siyaasiyiinta uu isleeyahay waxay ka horto karaan mucaaridka  marlabaadna uu ku raadindoono kursiga

Hada wararka aanu ka helayno ilo ku dhowdhow qasriga madaxtooyada ayaa tibaaxay in labadii habeen udanbeeyay laga dareemayo xafiiska madaxwayanaha qabashada cvyo cusub

dhanka kale waxaa dhaqdhaqaaqyo badan laga dareemayaa wasiirada xilalka haya oo sas kaqaaday kana war war qaba in seeftu la tagto

Sidoo kale waxaa la flayaa in madaxwayne siilaanyo seefta la dhexqado taliyayaasha ciidamada kala duwan sida ciidanka qaranka ciidanka booliska iyo ciidanka asluubta

Ilo xogogaala oo madaxtooda u dhaw ayaa tibaaxay in qorshaha isku badal laamaha xukuumada siilaanyo ay ku jirto sidii xubno mucaaridka ka midana xilal loogu dhiibi lahaa si loo diciifiyo awoodaha mucaaridka.

Magacaabisaha madaxwayne silaanyo ayaa lagu wadaa in aanay ka maqnay shax cusub oo xukuumadu taaageero iyo difaac ka raadinayso kuna jahaysan sidii xulufooyinkii hore qaarkood looga guuri lahaa

Si kastaba ahaa tee xubna lafilaya in ay seeftu la tagto ayaa waxaa kamida Wasiirka arimaha dibada maxamed biixi yonis taliyaha ciidanka booliska Cabdilaahi Fadal ,taliyaha ciidanka qaranka, Ismaaciil Shaqale

Wasiirka Cadaalada Xuseen Axmed Caydiid. wasiirka warfaafinta Cabdilaahi Cukuse

Waxa kale oo lafilyaa in madaxwayne siilaanyo daawaha saaro Agaasimayaasha Guud Ee wasaaradaha Qarkood iyadoo dadka xukuumada siilaanyo indha indheeyaa xoog u dhaliilaan Khibrad darida badi agaasimayaasha guud oo ah Ijiinka dhaqaajiya shaqada wasaaradaha .

 

dhinaca kale waxaa lafilayaa in la magacaabo taliyhii hore ee ciidanka qaranka Nuux Ismaaciil Taani. waxa kale oo lafilyaa in lamagacaabo taliye  cusub ciidanka Sirdoon

Cismaan Liimo. maayirkii hore caasimada eng Jiciir

Waxa kale oo lafilayaa in golaha xukuumada lagu soo daro xubin ka ka tirsan xisbiga wadani kana kamid ah saxiibadii madaxwayne siilaanyo xiligii mucaaridka DR Maxamed Cismaan Fadal oo ah xoghayaha Arimaha Dibada ee Xisbiga wadani

xogahan ayaa tibaaxay in xubno cusub Oo badelka masuuliyiintana laga soo waaridi doona qurbaha sidii caadada u ahayd xukuumada siilaanyo.

Si kastaba hanoqotee waxaa la filayaa in  maalmaha soo socda ay soo baxdo isku shaandhayntani’

sawirada badalka xukuumada

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

 

COMMENTS
LINKS