Macalinka Kooxda PSG Ee Laurent Blanc Oo Xaqiijiyay In Kooxdiisu Ay Doonayso Angel Di Maria. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Macalinka Kooxda PSG Ee Laurent Blanc Oo Xaqiijiyay In Kooxdiisu Ay Doonayso Angel Di Maria.
July 12, 2015 - Written by Editor:

Hargeisa(wajaalenews)-Macalinka kooxda ka dhisan dalka France ee PSG ee Laourent Blanc ayaa cadeeyay in kooxdiisa PSG ay doonayso saxiixa xidiga xulka qaranka Argentina iyo Manchester United Di Maria oo markii horeba si xoogan loola xidhiidhinayay.

di mro

Kooxadan PSG ayaa dhawaan laga qaaday xayiraadii suuqa kala iibisaga ay UEFA  saartay waxayna xagaagan awoodaan inay lacag rekoodh jabis ah suuqa la galaan.PSG ayaa Di Maria doonaysay intii aanu Man United ku soo biirin laakiin xayiraadii ay UEFA ka saartay suuqa ayaa u diiday inay lacag badan kula soo wareegto.

Macalin Blanc oo u waramayay jariirada ree France ee L’Equipe ayaa la waydiiyay in Di Maria uu yahay xidig uu jecel yahay wuxuuna yidhi: “ Haa. Wuxuu noo yahay ahmiyada kowaad.Laakiin si aad kooxdan u xoojiso waa inaad bartilmaameedsataa ciyaartoy ka tirsan kooxaha waa wayn kuwaas oo ay adag tahay in qiima hooda la gooyaa, taasina waa waxa PSG ugu adag. Di Maria wuu fiican yahay”.

Laourent Blanc ayaa qirtay in ayna kali ku ahayn tartanka loogu jiro saxiixa Di Maria wuxuuna yidhi: “Anagu xoriyad badan ayaanu haysanaa, laakiin anaga way nagu adag tahay sababtoo ah isaga kali kuma nihin. Marka aad eegto awooda dhaqaale ee kooxaha horyaalka Ingiriiska cidkasta ayay weerarayaan tartankuna aad ayuu u xoogan yahay. Hana ilaawin inay Man United Di Maria lacag badan ka soo bixisay”.

Sidoo kale waxa jiray warar hore soo baxay kuwaas oo sheegay in kooxda PSG ay heshiis shaqsi ah la gaadhay Di Maria laakiin sidoo kale kooxda Bayern Munich ayaa xiiso wayn u qabta Di Maria oo xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay ku dhibtooday Old Trafford.

Hargeisa office

Wariye Abuu Maxfuud

COMMENTS
LINKS