Maalqabeen Hal Million Oo Dollar Ku Bixinaya Cida Soo Hesha Kabo Laxaday 10 Sano Kahor. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maalqabeen Hal Million Oo Dollar Ku Bixinaya Cida Soo Hesha Kabo Laxaday 10 Sano Kahor.
July 12, 2015 - Written by Editor:

Hargaysa(Wajaalenews)  Wakaalada Wararka Ee Ap Ayaa todaobaadkan Lagu baahiyay in abaal gud dhan 1000000$ (hal milyan oo dolar) la siin Doono cida soo hesha kabo la xaday mudo 10 sano kahor ah.

kabahan ayaa sida warbaahinta lagu sheegay laga xaday madxaf ku yaala dalka maraykanka .

KABAHA LAXADAY

Maalqabeen aan magiciisa la shaacin ayaa balan qaaday in uu bixinayo lacagta qadarkan leeg isaga oo shuruud kaga dhigay abaal gudkan in lasoo helo halka ay ku sugan yihiin kabahani waqtigan iyo magaca  tuugii xadayba.

Abaal gudkan ayaa lagaga dhawaaqay xaflad siweyn loo agaasimay oo ku beegnayd sanad guuradii 10aad ee kasoo wareegtay xiligii la xaday kabahan oo laqabto sanadkiiba mar.

Sida warbixintan lagu sheegay kabahan ayaa ah kuwo naadir ah oo shirkaduba soo saartay afar beer oo kaliya halka sadexda beer ee kale ay yaalaan machad kuyaal minosota ee dalka maraykanka .

Ugu danbayn kabahan ayaa ku caymisnaaa halmilyan oo dolar.

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

DIYAARIYE H,Aadan

COMMENTS
LINKS