Lionel Messi Waxaa Uu Ahaa Caajis”Awowgii Antonio Cuccitini Ayaa Yidhi. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Lionel Messi Waxaa Uu Ahaa Caajis”Awowgii Antonio Cuccitini Ayaa Yidhi.
July 9, 2015 - Written by Editor:

Hargeisa(wajaalenews)Awoowga Lionel Messi Antonio Cuccitini ayaa dhaliilay qaab ciyaareedka uu soo bandhigay sanadkan koobkii imika dhamaaday ee coppa America ee lagu dhigay dalka Chile.

messi

 

Odaygan messi awoowga u ah ayaa sheegay inuu ahaa caajis qeybo kamid ah tartanka dhamaaday ee Coppa America gaar ahaan Finalkii iyo waliba sidoo kale saddexdii kulan ee ugu danbeeyey oo uu sheegay in uu ahaa caajis aan soo bandhigin shaqadii looga baahnaa waana arin aad looga wada xumad

Dad badan ayaa cambaareeyay qaab ciyaareedka Messi markana Awoogii ayaa ku soo biiray waxaana uu sheegay Messi in aanu la iman ama aanu sameyn dadaal badan oo dalkiisa ugu  qaadi lahaa koobka iyo koobab kale oo faro badan Messi ayaa intii uu socday koobkan dhaliyey gool kaliya kaasoo waliba ahaa laag xor ah ama Rigoodhe.

Lionel Messi ayaa intii uu u safanaayey xulkiisa aan wali wax koob ah u qaadin isagoo sidoo kale u saftay saddex koob aduun ilaa iyo marka laga reebo biladii Olombikada ee uu la qaaday sanadii 2008 taasaana keentay in ay ka cadhoodaan taageerayaasha wadanka ama dadka u dhashay iyadoo la wada og yahay sida uu ugu ciyaaro kooxdiisa Barcelona oo uu yahay baalasha ay ku duusho messi ayaa culeys faro badani ka haystaa koob la’aanta wadankiisa.

Hargeiysa office

Wariye Maxamed Cali

COMMENTS
LINKS