Lionel Messi oo jibiyay sharci kubadeedka Coppa America Ee Jiray Tan Iyo 1987-dii. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Lionel Messi oo jibiyay sharci kubadeedka Coppa America Ee Jiray Tan Iyo 1987-dii.
July 6, 2015 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Markii ugu horeysay Taariiqda Coppa America tan iyo 1987-dii waxaan sanadkan la bixin Abaalmarinta xiddiga ugu fiicnaa tartankaas kadib markii Lionel Messi uu iska diiday inuu qaato.

Xidhiidhka kubada cagta koonfurta America ayaa habeenkii Finalaha Coppa America waxaa ay Abaalmarinta xiddiga tartanka ugu  fiican siiyeen Messi balse waa uu diiday inuu ka gudoomo taas oo keentay iney dib ula laabtaan xiriirka Abaalmarinta.

MESI

Messi oo aan tan iyo 2008 koob u qaadin dalkiisa ayaa ka murugeysnaa inuun hanan waayo koobkan sidaa daraadeed waa uu diiday biladaas.

Tani waa diidmadii labaad uu sameeyo Messi oo horay kulankii Paruguay ee 2-2 ku dhamaanayay inuu qaato xiddiga garoonka ugu fiican.

 

 

Afar jeer ayaa la siiyay xaagaagan inta uu socda Coppa America xiddiga ugu fiica lix kulan uu ciyaaray.

Messi ayaa sanadkii hore isagoo niyad jabsan ku guuleystay xiddiga ugu fiicnaa koobka Adduunka.

Sanadkan hal gool oo rigoore ah ayuu ka dhaliyay Coppa America.

 

 

WAJAALENEWS DESK

diyaariye hamze jirde ahmed

COMMENTS
LINKS