Lamaane Caruurtooda U Balanqaaday Inay Mar Wada Dhimanayaan Oo Kala Danbeeyay Hal Maalin . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Lamaane Caruurtooda U Balanqaaday Inay Mar Wada Dhimanayaan Oo Kala Danbeeyay Hal Maalin .
July 6, 2015 - Written by Editor:

Hargaysa(Wajaalenews) Warbixin lagu daabacay shabakada emirate24 ayaa soo bandhigtay lamaane balan ay galeen uu sidoodii udhacay.

Jeanate iyo allexender waxay isbarteen iyaga oo 9 jir ah 1919 waqtigaasi oo ay ku kulmeen magaalada sandiego ee dalka franciska lamanahan oo uu kubeermay labadaba dareen jacayl sida uu baahiyay KGtv todobaadkan.

lamaane

lamanahan oo mudo dheer kala maqnaa kadib jacayl dhexmaray mudo dheer ayaa isguursaday sanadkii 1940kii.

lamaanahan ayaa mudo hore ku wargeliyay caruurtooda in ay marwada dhimanayaan iyaga oo gacmaha is ahaysata. dabayaaaqadii bishan ayaa ku beeganayd sanad guuradii 75aad ee kasoo wareegatay arooskooga.

xaflad aad u balaadhan ayaa loo qabatay sanad guuradaas kasoo wareegatay arooskoogii lamanaahan.

Alecender oo ah 90 jir ahna  odayga jeante ayaa xaaladiisa caafimaad kasii daraysay mudooyinkan u danbeeyay isaga oo kajabay misigta waxaa ay caruurtoodu ag jiifiyeen hooyadood halkaasi oo uu mudo yar kabacdi ku geeriyooday Alecender.

hooyada dhashay caruurtan ayaa u sheegtay caruurteeda in ay dhimanaso iyaduna maalmaha soosocda taasi oo u dhabawday kadibna geeriyootay .

lamaanahan ayaa caruurtooda u sheegay waqti hore in ayna kala danbaynayn oo ay ifka ka ka tagayaan isla waqti kaliyaata

 

COMMENTS
LINKS