Kumanaan Qof Oo Safaf U Galay Daawashada Sawir Mucjiso Ah Oo Darbi Ka Soo Muuqday | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kumanaan Qof Oo Safaf U Galay Daawashada Sawir Mucjiso Ah Oo Darbi Ka Soo Muuqday
July 31, 2015 - Written by Editor:

Bomako(Wajaalenews)-Waxaa lagu arkay xaafad ku taala magaalada Bamako ee dalka Mali, sawir hadba is badalaya oo ku soo sawirmay gidaar. Kummanaan qof ayaa u soo daawasho tagay darbiga musqul ku taala badhtamaha magaalada Bamako, oo la sheegay in uu ka soo muuqday muuqaalka nin salaad tukanaya.

150731130710_miracle_bamako_512x288_bbc_nocredit

Muuqaalka qof cad ayaa fiidnimadii sabtidii la soo dhaafay ka soo muuqday darbiga, waxaana marba marka ka dambeeyo isa sii badalayay muuqaalkaasi.

Dadka ayaa safaf dhaadheer u galay bannaanka guriga qoyska Traoré oo u dhow masaajid la yidhaahdo Ousmane Kalapo oo ku yaala xaafadda Hamdallaye ee Bamako.

150731130622_miracle_bamako_512x288_bbc_nocredit

 

Aliou Traoré ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in sawirkaasi uu yahay Nabi, waxa uuna intaasi ku daray in dad badan ay sawirkaan ama muuqaalkan uga soo daawasho tageen dalka Senegal iyo waliba dhowr wasiir oo ka tirsan dowladda Mali iyo hoggaamiyayaasha diimaha oo iyagana soo booqday guriga qoyskaasi.

Traoré ayaa intaasi ku daray in muqaalkaasi midabka cad leh ee ka soo muuqday darbiga uu u eekaa nin jilba dhulka ku hayo.

Sawirkaasi ama muuqaalkaasi ayaa waxaa aad loogu faafiyay Bamako, waxaana dad badan ay ku haystaan taleefoonadooda gacanta.

150731130542_miracle_bamako_512x288_bbc_nocredit

Mar ay BBC-da booqatay halkaasi ayaa sawirkaasi waxa uu u muuqday sida cantoobo shamiinda ama sibidh ah oo sii ingagaysa, una muuqaal eeg haweeney taagan.

Dadka deegaankuna waxa ay sheegeen in ay waxaasi yihiin wax iska caadi ah.

Booliska rabshadaha ka hortaga iyo ilaalada qaran ayaa waxa ay xakameynayaan dad tira badan oo isugu jira kuwo da’ ah iyo kuwa bukaan ah, kuwaas oo habeen iyo maalinba jooga waddooyinka gurigaasi oo gebi ahaanba la xidhay.

 

Source-BBC

 

COMMENTS
LINKS