Kulanka Ugu Horeeya Ee Elclassico iyo Wakhtiga Uu Dhici Doono (Madrid Vs Barca) Oo La Shaaciyay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kulanka Ugu Horeeya Ee Elclassico iyo Wakhtiga Uu Dhici Doono (Madrid Vs Barca) Oo La Shaaciyay.
July 14, 2015 - Written by Editor:

Hargeisa(wajaalenews)-Kulanaka ugu horeeya Real Madrid ayaa ku marti qaadi doonta Barcelona garoonka Santiago Bernabeu isbuuc dhamaadka November 8 waxayna u safri doontaa Catalunya lugta labaad ee horyaalka La Liga April 3, sida haatan la shaaciyay.

Isku aadka xili ciyaareedka 2015-16 ee horyaalka Soain ayaa lagu dhawaaqay, iyadoo maalmaha Clasico loo qorsheeyya wareegyada 12 iyo 31 ee xili ciyaareedka cusub, labada kooxoox ayaa dhibcaha kala qaatay labadi kulan ee xili ciyaaredkaan iyadoo Madrid ay ku dabaal dagtay 3-1 guul ah oo ay ku gaartay Bernabeu ka hor intaan looga aarsan 2-1 kulankii Camp Nou.

Barca ayaa olalaha daafacashada horyaalka ka bilaabeyso safat ay ku aadeyso Athletic Bilbao isbuuc dhamaadka August 23, halka Real Madrid iyana u safreyso kooxda heerka labaad ka timid ee Sporting Gijon. Atletico Madrid ayaa iyana dhankeed martigalineysa kooxda horyaalka ku cusub ee Las Palmas.

Inkastoo Barcelona aanan loo ogoleyn iney liis gareyso saxiixyadeeda cusub ee  Aleix Vidal iyo Arda Turan kadib ganaaxi ay ku soo rogtay FIFa daafici hore ee Sevilla iyo weerarkii hore ee Atletico ayaa sugi doona iney xirtaan maaliyada kooxda ilaa bisha January kulanka a booqanayaan Espanyol.

Catalans ayaa ku soo xidhi doona horyaalka May 15 kulan ay marti qaadayaan Eibar, halka Madrid ay iyana wajaheyso Deportivo La Coruna.

Hargeisa Office

Wariye Abuu Maxfuud

COMMENTS
LINKS