|
|||||
WAJAALE NEWS
khilaafka Siyaasadeed Ee Somaliland Oo Halkii Ugu Adkayd Maraya Iyo Habqanka Jawaabaha Isburinaye Ee Xukuumada,iyo Xisbigeeda Oo Daaha Ka fayday Xaalada Dhabta Ah Madaxwayne Siilaanyo.
July 24, 2015 - Written by Editor:HARGAYSA(Wajaalenews) FAALO, Tan iyo mudadii la doortay madaxwayanaha jamhuuriyada somaliland mudane axmed maxamed maxamuud siilaanyo oo xiligan mudo xileedkiisii xalaasha ahaa dhamaaday.ayaa waxaa bulshada somaliland marwalba hortaagan su’aalo badan oo ay iska waydiinayaan shan sano oo tagay iyo jawaab la,aan madaxwaynihii sida dimuqraadiyada ah loo doortay Su,aalahan iyo qaar kale oo dhamaantood ku saabsan xaalada dhabta ah ee madaxwayne siilaanyo ayaa maalinbamaalinta ka danbaysa isasoo tara kuwaasi ay dhinacsocdaan habqanka iskooxaysiga golaha wasiirada madaxwayne siilaanyo iska noqday wax caadiya, Asbaabaha kale ee badka soo dhigay xilgudasho la,aanta madaxwayne siilaanyo ayaa noqday jawaab la,aanta dhaliilaha xoogan ee ka imanaya mucaaridka iyo dadka dhaliila hogaaminta madaxwayne siilaanyo ayaa noqday mid tuhun galisay guud ahaan Bulshada somaliland marka laga reebo hal habeen oo uu madaxwayne siilaanyo u jawaabay FAYSAL CALI WARAABE IYO SICIID SULUB, habeenkaasi oo uu madaxwayne siilaanyo ku kacay erayo ka baxsan anshaxa iyo milgaha siyaasadda oo uu cay iyo aflagaado kula dul dhacay masuuliyiinta magacyadooda aynu kor ku xusnay, wixii ka denbeeyey wakhtigaa lama arag madaxwaynaha oo meel fagaaro ah kala hadlaya shacbigii soo doortay, laakiin haddii aynu dib u milicsano marka uu madaxwayne siilanyo la hadlayo warbaahinta ayaan badanaa si faahfaasan uga hadal xaalada dhabta ee dalku marayo, isagoo markaasi hadla qadar daqiiqado aad u yar mar marka qaarna sikino ku soo kooba hadalkiisa. Dhanka kale kulamada uu la yeesho cidkasta oo ka socota beesha caalamka iyo daneeyayaasha somaliland iyo kuwa kasoo horjeeda jiritaanka somaliland ayuu gabi ahaanba kulanka dabadii madaxwayne siilanyo hal kalmada oo isku mida yidhaahdaa taasi caan noqotay mudo shan sano ah “Aad iyo Aad ayaanu isku Afgaranay sidii looga wada shaqaylahaa Arimaha iskaashiga” Intaa Kadib waxaa hadalka la wareega wasiirka Arimaha Dibada Amaba Wasiirka Madaxtooyada oo isagu ah Wasiiraka Kaliya ee mudo xileedkiisii Siilaanyo qasriga u fadhiya sidii aan loo ogaadeen xogta dhabta ee madaxwayanaha somaliland siilaanyo Dhanka kale xubno u dhowdhow qasriga madaxtooyada somaliland Ayaa shaaca ka qaday xil gudashada madaxwayne siilaanyo iyo maalmaha uu xafiiskiisa soo fadhiisto , Waxakale oo xogahani Iftiimiyeen cida sida dadban u buuxisa howlmaalmeedkii madaxwayanaha Xogahan ayaa xaqijiyay in madaxwayne siilaanyo TODOBADA CISHO wiiga soo fadhiista xafiiska laba maalmood amaba sedex maalmood o kaliya isagoo xafiiska ku sugnaada wakhti gaaban, Sidoo kale waxaa dhamaan wasiirada masuuliyiinta gobolada taliyayaasha ciidamadu si caadiya safaf ugu jiraan xafiiska marwada madaxwayanaha Aamina Waris kaasi oo ku yaala madaxtooyada xaga sare Guud ahaa xogahaasi iyo habqanka jawaabaha wasiirada xukuumada hogaanka xisbiga kulmiye, iyo xaalada siyaasadeed ee hada dalku marayo iyo jawaab la,aanta madaxwaynaha ayaa waxay badka soo dhigeen jahawareerka siyaaaded ee ka jira halka looga arimiyo somaliland dhamaan wasiirada iyo masuuliyiinta xisbiga ayaa midba dhinciisa uga jawaabayaan mucaaridka iyagoon wax xidhiidha oo ka dhexeeyaa aanu jiran fariintooda ay xukumada ku difaacayaan mid kastaana halka ay la noqoto ayuunbuu marinayaan, cayda iyo jwaabaha aan xaqiiqda ku salaysnayn ee kasoo baxaya xuumada iyo xisbigeeda. Kuwaasi oo dhamaan u muuqda kuwo kaliya ay ku difaacanayaan kursiga ay ku fadhiyaan mid xisbi iyo wasiiraba. Si kastaba ha ahateen dhacdoyinkan iyo xaalada madaxwyne siilaanyo ku sugan yahay ayaa ah mid warwar ku beertay shacabiga reer somaliland gudo iyo dibada iyadoo laga warwarqabo cida loo kordhiyay mudadan labada sano ah iyadoo laga cabsi qabo bililiqada awoodii madaxwayanah iyo isbarbaryaaca xukuumadiisu in ay somaliland gaysiiso dhib udhac siyaasadeed mid horumarineed iyo in ay kala kaxayso shacabka walaalaha ah ee kuwada nool gayiga somaliland.
WAJAALENEWS DESK HARGEISA SOMALILAND WARIYE YUUSUF HERSI EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|