Hargeysa Macaluul Ba’an! Qalinkii Abdinasser Ibraahim | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hargeysa Macaluul Ba’an! Qalinkii Abdinasser Ibraahim
July 29, 2015 - Written by Editor:

Markaan nahay ilmo-Aadan, Rabbi weyne sharfay. Maskaxdoodu fayo qabto. Isla-markaana aan ka bixin xayn-daabka dadnimada iyo dhowrsoonaanta. Deegaanta aan ku nool nahay, inaan dabci baranno ayaa habsan ama qurxoon.

Magaalada Hargeysa oo ah goobtii aan ku dhashay, ku barbaaray goortanna aan deganahay, ayaan dhacdo la’yaab leh ku arkay. Waxa ila qurux badnaatay, inaan dhacdadan la wadaago, walaalahayga kal ka u heli doona, in ay qoraalkan akhriyaan. Gudbinta aan dhambaalkan soo gudbinayaa iga ma aha “ Hantaatac ergood.”

Waxaa jirta dhabbo aan lug iyo moodhadh ba ku maro. Subaxda hore iyo galabtaba. Waxaan dhabbadan aa’laa maraa, markaan guriga ka soo baxayo ee aan shaqo tagayo subaxda hore ku-sinnaan 5:00 subaxnimo, mararka qaarna barqinka ilaa 8:00. Aan u tilmaamo ciddii degan ama aragtay Magaalada Hargeysa degmada 26 June. Xaafadda xawaadle. Isla gagada ciyaarta kubbadda cagta ee (Xawaadle)

Deyrka garoonka xawaadle jahooyinkiisa bari,koonfur,galbeed iyo waqooyi. “Waxaa fadhiista “haween.  Haweenkan celcelis ahaan waxaan ku qiyaasay ilaa 50. Haddaad dariiqaa marto waxaad arkaysaa haweenkaa, hal eray ayay ku celcelinayaa, Shaqo… Shaqo…Shaqo!

Dareenkayga qof ahaanneed. Aad iyo laxaad ayaan uga damqaday. Waxaan u kuurgalay nooca shaqada ay raadiyaan. Waxaa la ii xaqiijiyay in ay rabaan in ay guryaha dharka u soo maydhaan ama soo masaxaan si ay quutul darruuri u helaan.

Haweenkan oo da’dooda aan ku qiyaasay inta u dhexaysa 30 – 40. Waxaan u badannayaa in ay carruur agoon ah haystaan. Raggoodii kala tageen iyo in raggoodii khayru-masuulnimo iyo camal la’aan ku kulmeen. Waan ka warqabay in guud ahaan dalku ku jiro xaalad shaqo la’aanneed oo baahsan. Hasa yeeshee, tani way ka weyntahay. Waxaan rumaysnahay nahay in “ Macaluushan baahsani dabarka goostay oo albaabbo badan garaacday.”

Halkaa markaan joogno. Waxaan idin xasuusinayaa in dawladdeena uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Hadh iyo habeen ay tix iyo tiraabba innuugu sheegto korodhka miisaaniyadda dalka.

Haddii aanu rabbi u sad burin Hargeysa oo aanu biyaheeda dheef ka dhigi lahayn, Biyahaagu waa dheef dhuuniga sidiisa. Ama qabow iyo kulayl badan lahaan lahayd. Dhaxan iyo qabow ma leh, Kugu soo dhacaayo. Dad badan ayaa ku lee’an lahaa. Waxaan si aan taxnayn u soo xigannayaa, hees uu curiyay Abwaan Cabdiqays.

Hargeysaay ha dheeliyin,

Ha dhantaalmin waligaa,

Rabbi baa ku dhowrtoo,

Dhibka kaa ilaashoo,

Dhereg baad ku nooshahay,

Dhiishaan dhaansi nabadeed.

Waa hargeysa meeshuu abwaanta intaa yidhi meesha aan maanta baahinnayno sawiradeeda macaluusha.

Korodhkaa miisaaniyaddu haba yaraatee meel kale kama saameyn nolosha dadka. Way ii muuqdaan isbeddello tiro yar oo ku kooban shakhsiyaad maamulka dawladda si uun ugu jira ama laba naasnuujiyo. 

“Barwaaqada dadkani ku jiraan, waxay iila muuqataa, edegtii barwaaqada ahayd ee xerada weyn ee banka giriyaadka ku dhextaal.”

 

 

COMMENTS
LINKS