|
|||||
WAJAALE NEWS
Halyaygii Chelsea Ee Didier Drogba Oo Ku Biiray Kooxda Maraykan Ee Montreal Impact
July 27, 2015 - Written by Editor:Hargeisa(wajaalenews)-Halyaygii hore ee kooxda Chelsea iyo xulka qaranka Ivory Coast ee Didier Drogba ayaa ku biiray kooxda horyaalka Maraykanka MLS ee Montreal Impact. 37 jirkan ayaa bilaa koox ahaa tan iyo markii uu ka tagay kooxda Chelsea oo uu xili ciyaareedkii hore kula guulaystay koobka horyaalka Ingiriiska. Drogba ayaa horyaalka MLS ee Maraykanka kula biiray xidigii ay inta badan Stamfrod Bridge ka soo wada ciyaareen ee Frank Lampard iyo Steven Gerrard oo xagaagan u dhaqaaqay horyaalka Maraykanka.Drogba oo markii labaad u ciyaaray Chelsea ayaa xili ciyaareedkii hore udhaliyay 7 gool. Markii uu Drogba ku biiray kooxda Monreal Impact ayuu madax waynaha kooxdan oo magiciisa la yidhaa Joey Saputo ayuu Drogba kooxdiisa ku soo dhaweeyay wuxuuna yidhi: “Sharaf ayay noo tahay in aanu kooxda Impact ku soo dhawayno Didier Drogba”. “Wada sheekaysigii ugu horeeyay ee aan Drogba la yeeshay waxaan ku ogaaday inuu doonayay sidii uu Montreal, tani waa mid ka mid ah maalmaha taariikhda kooxda ugu wayn, soo gaadhitaanka kooxda ee Drogba waxa ay faa’iido u noqon doontaa dhinac kasta oo Montreal Impact ah”. Wariye Abuu Maxfuud.
Related posts:Ergada Dhex Dhexaadinta Khilaafka Xukuumada Iyo Asxaabta Oo Kulan La Yeeshay Xisbiyada Mucaaridka Ah... Abwaan Laabsaalax oo Weedho Dareenka Bulshada Kiciyay Ka Jeediyay Bandhig Suugaaneedkii Abwaan Abees Daawo:Xoghayaha Guud ee Xisbul Xaakimka Kulmiye Oo Ka Dareen Celiyay Garabkii Isbahaysiga Kulmiye ee... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|