|
|||||
WAJAALE NEWS
HALKAN KA Akhri War-saxaafadeedka xisbiga KULMIYE ee go’aanka Maxkamadda Sare
July 23, 2015 - Written by Editor:REF: XK/XGX/0042129/2015 Date: 23/07/2015
Ujeeddo: Aragtida Go’aanka Maxkamadda Sare SL Xisbiga KULMIYE waxa uu soo dhawaynayaa go’aanka ay soo saartay Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland maanta oo taariikhdu tahay 23/07/2015, waxaannuna diyaar u nahay in aannu ugu dhaqanno sidiisa. Waxa kaloo aannu si gaar ah u soo dhawaynaynaa qodobka saddexaad ee go’aanka Maxkamadda Sare ee amraya in dhinacyada doorashadu khusaysaa soo afjaraan muranka taagan. Sidaa darteed xisbi ahaan waxaannu jecelnahay in arrintaasi laga midho-dhaliyo, iyadoo horeba KULMIYE uu ugu jirnay sidii loo dhammayn lahaa khilaafkan, waxaannuna ugu baaqaynaa xisbiyada mucaaradka ah inay nalaga hawlgalaan dhammaystirka iyo hirgelinta heshiiskii hore loo galay.
ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Related posts:Daawo:Maamul Goboleedka Puntland Oo Sheegay In ay Xayireen Garoonka Diyaaradaha Buuhoodle Kuna Baana... DAAWO;-Maayarka Caasimada Hargeysa Oo Ka Hadlay Olole Dawlada Hoose Bilawday oo Lagu Hubinayo Weelka... Madaxweynaha Somaliland oo Shacabka Reer Jabuuti Ku Hambalyeeyey 41-guurada kasoo Wareegtay Maalinti... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|