“hadaad maqasho waxaa la Tagay Dubai, Abu dubai Iyo Sucuudiga waa dilaalnimo” Mujaahid Boobe. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“hadaad maqasho waxaa la Tagay Dubai, Abu dubai Iyo Sucuudiga waa dilaalnimo” Mujaahid Boobe.
July 11, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa (Wajaalenews) Xoghayaha warfaafinta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale ayaa ka hadlay shilalka kusoo badanaya wadooyinka u dhaxeeyay magaalooyinka Barbera iyo Hargeysa.

Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale waxaa uu duray wareegtadii wasiirka arimaha guduhu ku sheegay in baabuurta turus laga jaro,xukuudana waxaa uu ku eedeeyay in masuuliyiin ka tirsani ay u haystaan in masuul ay ka yihiin gawadhida shilalka gasha.

Boobe oo maanta Star Tv waraysi siiyay ayaa ugu horayn ka hadlay “Mushkilad umada dhib wayn ku haysa ayaa jirta oo aad moodo in qaar xukuumada ka tirsani ay isku haystaan in ay mushkilada ay iyagu iska leeyihiin inay tahay,waa dariiqa Barbera mudnaantiisu, markaynu si balaadhan u eegnana waa aafadan la yidhaahdo shilalka gaadiidka, Qaar xukuumada ka tirsan ayaa maalin dhawayd oo la aasayay Masuuliyiin (Walli) ku jiray, ayay leeyihiin baabuurta waa in turusyada laga gooyaa, basaska waa in la gooyaa, booyadaha waa in la gooyaa, ka’anamaa turusyadani ay wax nool yihiin oo baabuurta doondoonta dabadeedna qalliba”Ayuu Boobe Yuusuf Ducaale.

Xoghayuhu waxaa uu sheegay in aanay mushkiladu xukuumada haysan balse ay wada haysato umada reer Somaliland “mushkiladu mid xukuumada haysata maaha,waa mushkilad dal iyo dadba haysata, waa mid muxaafidka haysata waa mid mucaaridka haysata, waa mid ay tahay in la darso oo la doono mushkilada shilalku halka ay ku lug leedahay, mushkilada shilalku Turusyada kuma lug laha, waxay ku lug leedahay bini’aadamka waa baskan yare ee samaystay caqaayada yar si uu u ilaashado Taangiga biyaha ama booyada oo kale”ayuu Yidhi Mujaahid Boobe.

Xoghayaha warfaafinta Xisbiga Waddani waxaa uu dilaalnimo ku tilmaamay safarada ay xukuumada Somaliland ku tagto dalalka carabta isagoo cadeeyay inaanay danta Somaliland oolin Sucuudiga iyo Dubai balse meel kale laga raadiyo “Hadii la doonayo in danta Somaliland, danta somaliland iyo aayaheedu sucuudiga iyo Abu dubai midna ma yaalaan, xaqiiqadu waa taasi, danta Somaliland meel kale ayay taalaa ee halaga doono, hadaad maqasho waxaa la tagay Dubai, Abu dubai Iyo Sucuudiga waa dilaalnimo iyo waxaan danta umada reer Somaliland ahayn”Ayuu Yidhi Xoghaye Boobe Yuusuf Ducaale.

COMMENTS
LINKS