Guurtida Oo ku Adkaystay Go’aankii Muddo Kordhinta Xukumadda iyo Wakiillada | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guurtida Oo ku Adkaystay Go’aankii Muddo Kordhinta Xukumadda iyo Wakiillada
July 8, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews) Golaha guurtida Somaliland, ayaa ku adkaystay inaan laga noqon doonin go’aankoodii muddo kordhinta Madaxweynaha, kuxigeenkiisa iyo golaha wakiilada Somaliland.

indho indho

Xisbiga Mucaaradka ah Waddan, Ucid iyo xisbiga Kulmiye oo xukumaddu weheliso ayaa 27-kii May 2015 ku heshiiyay in doorashada la qabto December 2016, iyagoo doonaya in laga noqdo wakhtiga guurtidu kordhisay ee ahaa in doorashada la qabto March 2017, balse waxaa heshiiskaas ganafka ku dhuftay guurtida.

 

“Go’aankii golaha guurtidu gaadhay May 2015, ee ahaa muddo kordhintu sidiisii weeye, wax isbedel ah oo ka yimidna ma jirto. Wuxuu ahaa go’aan sharci ah, wakhtigaas aanu qabanay bil ka horna waxaa la qaban doonaa doorashada si aan dalku dawlad la’aan ugu dhicin, wax isbedel ah oo golaha ka yimidna ma jiro, anagana waxaa naga dardaaran ah maanta laba bilood baa hadal lagu jiray,waxay ahayd in hawl badan la qabto, diwaangalintii may bilaabin, asxaabta hawlihii aanu kala hadalnay ee ahaa inay gobolada ku faafiyaan kama muuqato” ayuu yidhi Afhayeenka Guurtida Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho.

Afhayeenka Guurtida oo BBC-da la hadlay waxa uu sheegay inaanu jirin sharciyad uu ku salaysan yahay heshiiska Asxaabta iyo xukumaddu, isagoo ku dooday inaanu ahayn go’aan dib loo eegi karo muddo kordhinta Guurtidu.

Hadalka Afhayeenka ayaa imanaya iyadoo mucaaradku ku doodayo in xukumaddu ka baxday heshiiskii islamarkaana aanay xil iska saarin hirgalintiisa, halka xukumaddu ku doodayso inay heshiiska ayidsan tahay balse hawsha ku qancinta guurtidu tahay xil wada saaran mucaarad iyo xukumad ba.

Muranka wali taagan ayaa caqabad ku ah hawl qabadka komishanka doorashooyinka oo wakhtiga la cayimo ku salayn lahaa jadwalkooda balse ilaa hadda aan hayn wakhti la isku raacsan yahay, waxaana la rumaysan yahay inay dib u riixi doonto bilawga diwaangalinta iyo hawlaha kale ee doorashada ka hor la qaban lahaa.

COMMENTS
LINKS