Guddoomiye Mustafe Shiine oo ku fanaay in uu Gabiley Mucaaridkii kaga Adkaaday.kana wada dhigay Muxaafid | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiye Mustafe Shiine oo ku fanaay in uu Gabiley Mucaaridkii kaga Adkaaday.kana wada dhigay Muxaafid
July 15, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa:(Wajaalenews)-Guddoomiyaha Dhawaan Soo galka ku ah siyaasadda ee Gobolka Gabiley Md Mustafe Cabdi Ciise(shiine), ayaa goob fagaare ah ka shaaciyey in gobolkaas laga dabar jaray mucaaridkii quwadda ku lahaan jirey, waxana uu intaas ku daray in shacabka Reer Gabiley wada muxaafid isku beddeleen. Mustafe Cabdi Ciise Shiine oo abid xilkii ugu sarreeyey oo geer Guddoomiye Gobol gaadhsiisan dhawaan madaxweyne Siilaanyo u magacabaay, ayaa madal marwada qaranka iyo masuliyiin kale ku sugnaayeen kaga tiraabay in gobolka Gabiley mucaaridkii joogay  shiiqeen, isla-markaana taageereen horumar uu sheegay inay xukuumaddu halkaas ka hirgelisay.  mustafe shiineWaxa uu tilmaamay inay mucaaridku Gobolka Gabiley ka waayeen wax ay dhaliilaan,“Gobolkani waa uu kasoo afjarmay dadkii mucaaridka ahaa  iyo dadkii qaylin jirey, maantana waa gobolka mucaaridkiisu aad u yar yahay. Inkastoo ay qaranka tahay inuu mucaarid yeesho haddana maanta horumarka gobolka  gabiley ka socdaa waxay keentay in intii hadli jirteyna ay iska aamusto oo ay ka xishooto inay dhaliil sheegto, maadaama gobolkii la dhaliil tirey gobolka.” Ayuu yidhi Mustafe shiine.  Musfate Shiine oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in Xukuumaddu  gudday Abaalkii Reer Gabiley gashadeen xilligii adkaa ee mucaaridnino, waxana uu yidhi,  “Gobolka waxa jooga umad isku duuban oo u heellan xukuumaddooda, abaal u haya, wixii loo ballan qaadayna loo guday iyaguna og maantana diyaar u ah inay xukuumaddooda taageeraan.”  Waxa uu intaas ku daray in doorkii mucaarid ee Gobolka Gabiley meesha ka baxday, isagoo taasna sabab uga dhigay in xukuumaddu shaqo badan halkaas ka qabatay,  “Kollay  way jiraysaa cabasho iyo qaylo mucaaridka kursiga doonayaana waxa laga yaabaa inuu ninba si wax u doono, ragaas kuraasta doonaya ee qaylinayana maanta meel ay kasoo galaan ma jirto, waxama taas soo xidhay shaqadii wixii la askhriyey ee halkan laga sheegayey baana soo xidhay, mana jirto maanta guuldarro wax laga sheegaa.” Ayuu yidhi  Mustafe Shiine.  Waxa uu farriin u diray Axsaabta Mucaaridka ah, waxana uu ku hanjabay inuu gacan bir ah ku qaban doono kasta oo isku dayda inay hagardaamayso nabadda sida uu hadalka u dhigay, waxana uu yidhi isagoo arrimahaas ka hadlaya,“Qolyaha mucaaridka ah waxan usoo jeedinayaa maanta maanta cidda kororsiimo timaaddo cidda ay dani ugu jirtaa waa la garanayaa oo ma aha Axmed Siilaanyo, isaguna haddii berri doorasho timaaddo inuu dheeraad helayo waa la garanayaa, ragga dabada haya inay doorasho dhacdana waxan leeyahay qaranka ma aha in loo burburiyo saddex bilood ama afar bilood, Haddaanu nabadgelyada gobolka qaabilsanahayna cidna ka yeeli mayno inay Nabadda Khalkhal geliso ciddii, ciddii nabadgelyada dhaawacdana waxanu ku qabanaynaynaa Gacan adag, cidna uga Habrsanmayno.” Guddoomiyaha Gobolka Gabiley Mustafe shiine, ayaa kamid ah Qurbejoogta xilka ka haysa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxana uu dalka ku soo laabtay laba sano ka hor markii uu soo qaatay baasaboor ajaanib ah, kaas oo uu u baqoolay xilli uu maareeye-ku-xigeen ka ahaa Madbacadda qaranka, waxana uu isagoo xilkaas haya iska dhiibay dalka ingiriiska oo uu xilligaas hawlo shaqo u tegay.

COMMENTS
LINKS