|
|||||
WAJAALE NEWS
Guddoomiye Golaha Wakiilada oo Cisbitalka ku Booqday Xildhibaan Xasan Cawaale oo Ujiifa Dhaawac ay Soo Gaadhsiiyeen Ciidanka Ilaalada Madaxtooyadu.
July 3, 2015 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews):-Guddoomiyaha aqalka Golaha Wakiilada Somaliland ahna guddoomiyaha Xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro), ayaa Cisbitalka Gargaar ee magaalada Hargeysa ku soo booqday xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo shalay ay ciidamada ilaalada Madaxtooyadu soo gaadhsiiyeen dhaawac aad u xooggan. Guddoomiye Cirro oo booqashadiisan ay ku wehelinayeen xubno ka mid ah hoggaanka sare ee Xisbiga Waddani, ayaa xildhibaanka Illaahay uga baryey in uu siiyo caafimaad sareecan ah isaga oo sida oo kalena sheegay in xildhibaanku uu leeyahay xasaanad buuxda oo uu mudan yahay in la ilaaliyo, loona baahan yahay in sharciga la mariyo ciddii dhibtan u gaysatay. Dhanka kale xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo isna guddoomiyaha hadalo kooban ku yidhi, ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey booqashadan uu ugu yimid, waxaana uu guddoomiyaha uga xog waramay sida ay wax u dhaceen isaga oo codsaday in sharciga la mariyo askartii dhibta u gaystay. Related posts:DAAWO;-Warbixin Xaalada Abaareed Ee Deegaano Katirsan Gobolka Gabiley Iyo Qaylo Dhaanta Kasoo Yeedha... Madaxweynaha Jsl Oo Kormeeray Huteelka Xukuumiga Ah Ee Hargeysa Club Oo Dhismihiisu Gebogebo Ku Dh... Xubnihii Ka Socday Garsoorka oo Dacwado Dhul Kaga Garnaqay Deegaanada Qulujeed, Boon iyo Xariirad COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|