Guddoomiyaha Jaaliyadda faransiiska Ee Somaliland Oo Booqasho Ku Tagay Gobolka Awdal. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha Jaaliyadda faransiiska Ee Somaliland Oo Booqasho Ku Tagay Gobolka Awdal.
July 16, 2015 - Written by Editor:

Boorama (Wajaalenews) Guddoomiyaha Jaaliyadda Faransiiska ee Somaliland Mudane Mawliid Ciise Dable ayaa safar shaqo oo la xadhiidha u kuur-galid iyo xogogaal u noqoshada Gobolada Dalka ku tagay magaaladda Borama ee xarunta Gobolka Awdal.

MOWLIID MOWLID

Waxa si diiran halkaas ugu soo dhaweeyay Badhasaabka Gobolka Awdal iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka Gobolka iyo kan heer-degmo. Ugu horreyn Guddoomiyaha Jaaliyadda Faransiiska Mudane Mawliid oo ka warbixiyay Socodaalka Gobolka Awdal ayaa sheegay in kuu salaysan yahay xogogaal u noqoshada xaaladda gobolada dalka uu ka mid yahay kan uu maanta ku yimid Gobolka Awdal, isagoo halkaas uga mahadceliyay madaxdii sida diiran ugu soo dhawaysay Xarunta Gobolka Awdal ee Borama.

Waxa isna dhankiisa hadal soo dhawayn iyo xogwarran isugu jira ka jeediyay Badhasaabka Gobolka Mudane Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) kuna bogaadiyay Booqashada uu ku yimid guddoomiyaha Jaaliyada Faransiisku Xarunta Gobolka Awdal ee Boorama.

Muddadii uu ku suganaa Guddoomiye Mawliid Ciise Dable ayaa waxa uu soo indha-indheeyay Kaabayaasha Dhaqaale ee Gobolka iyo xarunta Taariikhiga iyo astaanta u ah Gobolka ee Jaamacadda Cammuud.

Socdaalka gaaban ee Guddoomiye Mawliid ku Tagay Gobolka Awdal ayaa waxa uu daba socdaa safarro uu ku gaalaa-bixinayay gobollada dalka sida Gobolka Togdheer, Saaxil iyo Gabiley isaga oo Deeqo uu ka siday Jaaliyadda Faransiiska ee uu madaxda ka yahay gaadhsiiyay Waddada Dowga cad iyo Isbitaalka Guud Degmada Wajaale

COMMENTS
LINKS