GUDAHA KA AKHRI; Axmed Siilaanyo Iyo Kacaan Beeleed Kiisu Qodobada Ay Ku Guuleysteen Ee Dhinaca federaalka Somaliya. MUJ CALI XARAARO. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
GUDAHA KA AKHRI; Axmed Siilaanyo Iyo Kacaan Beeleed Kiisu Qodobada Ay Ku Guuleysteen Ee Dhinaca federaalka Somaliya. MUJ CALI XARAARO.
July 15, 2015 - Written by Editor:

Waxa loo Baahan Yahay Ineynu Ogaano Horn Cable Ma Somaliland Ayaa Laga Leeyahay Mise Somaliya?.

Waxa La Mideeyey Xawaaladaha Oo warbaahinta Waa Ka Maqasheen Cabdirashiid Dahab Shiil oo ka Hadlaya Xawaaladaha Somaliya. MUJ XARAARO.

Axmed Siilaanyo iyo kacaan beeleed kiisu Qodobada ay ku guuleysteen ee dhinaca federaalka somaliya waxa ka mida kuwa ay mideeyeen.1.Hawada somali land iyo somaliya oo imika hawadii somali land waxa laga maamulaa xafiis ku yaal muqdisho wasiirkana waxa loo soo tuuraa waxoogaa lacaga

2.waxa kaloo sidaa loo mideeyay Bada somaliland iyo somaliya sida budhcad badeeda oo inanka bada xamar lagu qabto waxa la keenaa jeelka hargeysa agaasimaha budhcad badeeda maxamed cismaan indhoole ayaa muqdisho ka soo qaada waxooga lacaga

  1. waxa kaloo la mideeyey Ganacsatada somaliland iyo ganacsatada somaliya si qaldana waxa loo turjumey ereyga ganacsigu waa xor miyey dhici kartaa intaad meheredaada gaadhi saarto inaad jabuuti ka furato waa maya sharci la maro ayaa ka horeeya laakiin xamar toos ayaad uuga furaneysaa waayo waxay kuu arkaan nin meel ka mida somaliya ka yimid iyaguna waa sidaa si leeg ku darsoo waa halkii aynu ka go ayney oo jabuuti oo kale maaha
  2. waxa kaloo la mideeyey.Ururada bulshada somali land iyo ururada Bulshada somaliya sida ururka sosfo iyo sonyo. waxa iyagana la mideeyey Ururada saxaafada somali land iyo ururada saxaafada somaliya oo hadaad daawato tvga Horn Cable waxba uuma kala duwana xamar iyo hargeysa intii aanay xukuumadani iman waxay ku bilaabi jireen warkooda warkii dalka ka dibna waxay ku xigsiin jireen warkii debeda imikana gabiiley iyo baydhabo way isku walaaqeen waxa loo baahan yahay ineynu ogaano Horn Cable ma somaliland ayaa laga leeyahay mise somaliya?. Waxa la mideeyey xawaaladaha oo warbaahinta waa ka maqasheen cabdirashiid dahab shiil oo ka hadlaya xawaaladaha somaliya oo badhtanka inoo dhigey somali weyn.oo weliba markuu ka hadlayo la moodo inuu faan ka muuqdo. Waxa kaloo xusid mudan dhinaca wax barashada oo qaybo badan laga mideeyey oo waxaynu u soo taagneyn ardeydii la yidhi deeq wax barasho ayey ka heleen dawlada turkiga ee xamar la geeyey lagana bedeley waraaqihii somaliland lana siiyey waraaqihii somaliya.

Waxa la fududeeyey dhankii isku socodka iyo is dhex galka labada shicib oo waxaad arkaysaa nin u dhashay somaliland oo la socda koox u dhalatay somaliya oo kugu odhanaya waxaanu ka nimid somaliya muqdisho oo hay ada hiblaayo ayaanu kawada shaqaynaa hargeysana shaqo ayaanu u soconaa. Waxa dhawaan la bilaabay mideyntooda dhinaca fanaaniinta dhawr cisho ka hor waxa hargeysa ka baxay oo muqdisho ka degey fanaaniin u dhalatay somali land. Lama dhamayn karayo waxa dalka ka socda waxase malaha uuga fududaan lahayd axmed siilaanyo iyo casaabadiisa iney sooba dhigaan fadaraalka waayo iyagana way ku dheeraanaysaa inaguna sideynu gaadh uuga hayno ayeynu ku daaleynaa markaa waabay wadaane waxba yaanay biqin koley weynu is huranahay.

 

 

Qalinkii Muj Cali Cismaan Libaax Cali Xaraaro

COMMENTS
LINKS