Gabadh Yuhuudiyad ah oo ka sheekaysay Dhacdooyin ay kala kulantay Socdaal Qarsoodi ah oo ay ku martay Dalal Somaliland ku jirto. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gabadh Yuhuudiyad ah oo ka sheekaysay Dhacdooyin ay kala kulantay Socdaal Qarsoodi ah oo ay ku martay Dalal Somaliland ku jirto.
July 7, 2015 - Written by Editor:

Socdaalkeeda oo qaatay 11 Bilood waxay ku martay 16 Waddan oo Muslimiin u badan

Tel Aviv,  (Wajaalenews)- Tamara Baraaz oo ah muwaadinad u dhalatay waddanka Israa’iil, ayaa ka sheekaysay safar muddo 11 bilood ah ku qaatay oo ay ku martay 16 waddan oo badankoodu yihiin waddamo Muslim ah, kuwaas oo Somaliland ku jirto.

Haweenaydan oo socdaalkeeda ka bilowday waddanka Itoobiya, ayaa socdaalkeeda soo gebo-gabaysay bishii March ee sannadkan, waxaanay dhacdooyinka socdaalkeeda kala kulantay uga warrantay Wargeyska Times of Israel oo ka qoray warbixin uu ciwaan uga dhigay, “Sida ugu dhiirran ee loo tago meel aanay waligeed tagin gabadh Israa’iiliyad ahi”.

Waddamada Muslimka ah ee Adduunka, ayaan intooda badan laga oggoleyn isla markaana aan xidhiidh wanaagsan lahayn dalka Israa’iil iyo dadka sita baasaaboorka dalkaas inay u safraan, sidaas awgeed, waxa haweenaydan socdaalkeeda u suurta-galiyey iyadoo adeegsatay baasaboorka waddankeeda labaad oo ah dalka Maraykanka oo aabaheed ka soo guuray sannadkii 1950 wakhtigii la aasaasay dalka Israa’iil.

Haweenaydan oo da’deedu tahay 29-jir, waxa ay bishii April 2014-kii socdaalkeeda ka bilowday waddanka Itoobiya iyadoo sidata baasaboorka Maraykanka, waxaanay doonaysay inay socdaal ku tagto waddamada Liibiya iyo Sudan, haseyeeshee uma suurta-galin inay gasho labadaas waddan. Sidoo kale, waxa laga horjoogsaday inay tagto dalalka Pakistan iyo Algeria.

Haseyeeshee, sida ay sheegtay, waxa ay socdaalkeeda 11-ka bilood qaatay ku martay waddamada Somaliland, gobolka Kurdistan ee Ciraaq, Turkey, Georgia, Chechnya, Kazakhstan, Kyrgyzstan, Tajikistan, Afghanistan, Oman, Masar, Chad, Niger, Morocco, Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe iyo Congo.

Gabadhani oo muddadii ay socdaalkeeda ku jirto qarinaysay, waxa ay sheegtay inay ku adkaatay sii joogitaanka waddamada qaarkood oo ay halis gelisay nolosha tarjumaannadii iyo dadkii ay martida ugu noqotay dalalkaas. Waxa ay qorsheysay inay muddo bil ah joogto waddanka Afghanistan, balse waxa ay sheegtay inay muddo shan maalmood kaddib ay go’aansatay inay isaga tagto.

Waxa kale oo ay haweenaydani ka sheekaysay dhacdooyin isku mid ah oo ay kala kulantay waddamada Masar iyo Somaliland, iyadoo sheegtay in Mulkiilayaasha Hoteeladii ay ku jirtay ka codsadeen inaanay cidna u sheegin waddanka ay u dhalatay.

“Dalka Masar, mulkiilaha Hotelkii ay ku tagtay wuxuu ka baryey inaanay qofna u sheegin meesha ay ka timi. Sidaas oo kale waxay kala kulantay Somaliland oo ah waddan ka go’ay Somalia sannadkii 1991-kii,” Sidaas ayaa lagu sheegay warbixinta Wargeyska ka diyaariyey xog-warranka haweenayda uu la yeeshay.

Waxa ay xustay inay dalalka Afrika intooda badan kula safartay shaqaale ka tirsan hay’adaha gargaarka, iyadoo tusaale u soo qaatay waddanka dagaaladu regaadiyeen ee Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.

“Halkan (Israa’iil) waxa jira cabsi loo sheeko dadka Israa’iliyiinta ah, Ujeedada socdaalkaygu waxay ahayd inaan daahfuro inaanay wax dhibaato ahi ka jirin adduunka oo dadka loo sheego. Waxa iiga baxay inaan tago meel lay sheego inay xuntay oon safarkayga ku ogaaday inaanay sidaas ahayn, dareenkanina wuu igu sii xooganaystay intaan safarka ku jiray,” Sidaas ayay tidhi Mrs Baraaz.

“Israa’iil gudaheeda, waxaynu ku nool nahay duni kale, waxaynu leenahay tacliin inoo gaar ah, warar iyo sheekooyin aynu isugu sheekayno. Waddamada kalena waxay leeyihiin sheekooyin ay isku sheegaan, taasina waxa inaga jaray dunida inteeda kale.

Haweenaydan ayaa sheegtay inay wakhtigan isu diyaarinayso socdaal labaad oo ay ku marayso waddamo kale. “Waxaan baadi-doon ugu jiraa Ciddii maalgelin lahayd ama ii qaban-qaabin lahayd fiisayaasha dalalka Pakistan, Algeria, Libya, Yemen, Sudan ama waddan kasta oo aan jeclayn Israa’iil iyo dadkeeda,” ayay tidhi Mr Baraaz.

COMMENTS
LINKS