|
|||||
WAJAALE NEWS
falanqaynta Wasiiradii Iyo Taliyayaashii Xilka Uu Ka Qaaday Madaxwayne Siilaanyo Mudo Xileedkiisii Xalaasha Ahaa Iyo Saamaynta Ay Ku lahaayeen , Wasiir Xirsi, Marwo Aamina Waris Iyo Muuse Biixi Xil Qaadistooda Qaybtii 2Aad.
July 31, 2015 - Written by Editor:HARGAYSA(Wajaalenews) Waxaynu qormadan ku eegi doonaa doorarka kala duwan ee ay ku lahaayeen wasiir xirsi, marwada koowaad ee madaxwayanaha Aamina Sheekh maxamuud Jirde Aamina Waris iyo gudoomiyaha xisbiga kulmiye muuse biixi cabdi xilka qaadis masuuliyiin siyaabo kala duwan shaqada looga caydhiyay, Masuuliyiinta xilalka laga qaday ayaa midkastaa xil wareejintii iyo goobaha lagu kulmaba wuxuu hoosta ka xariiqay cidii qaniintay, halka laga raacay iyo godabtiisa cida uu u tirinayo Tirada wasiirada xilka laga qaaday, taliyayaasha ciidamada. iyo masuuliyiin kale Waxaa maanta qormadan todobaadlaha ah marti inoogu noqon doona masuul curad u noqday seefta madaxweyne siilaanyo ee ay daabka hayaan gacmaha badani. ugu horayn Ibraahin Aden qaalib ayaa noqday masuulkii ugu horeeyay ee ay sahayato seef wadareeda madaxweyne siilaanyo. Masuulkan ayaa ahaa xisaabiyihii guud ee ugu horeeyay ee qaranka kadib guushii xisbiga kulmiye. masuulkan oo aqoon iyo waaya aragnimo badan u lahaa xisaabaadka iyo maamulka dakhliga dawlada ayaa durbadiiba lagu diirsaday hanaan socodka xisaabeed ee dawlada isaga oo nidaamyo xisaabeed oo casri ah u sameeyay xafiiska xisaabaadka qaranka mudadii uu xilka hayay. masuulkan ayaa waqtigaas xilka qaadistiisa ku saleeyay inay jirtay mudooyinkii u danbeeyay xidhiidh aan wanaagsanayn oo u dhexeeyay isaga iyo wasiirka madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali Hassan taasina ay noqotaybuu yidhi qaniinyadii aan xilka kaga tagay. Hase ahaatee waxaa xil ka qaadistiisa sobob looga dhigay khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo gudoomiyihii komishanka ee xiligaas oo salka ku hayay lacago loosiidaayay komishanka. mr qaalib ayaa sheegay xiligaas in uu madax tooyada kala kulmay cago juglayn isaga oo xusay in Wasiirkii Maaliyada ee xiligaas Eng Maxamed Xaashi Cilmi ka dhigtay lataliye xafiisna uu uga dhex sameeyay wasaarada maaliayda balse maalmo kabacdi loosoo adeegsaday askar ayna amar kusiiyeen in uu soo dhaafo xafiiska isaga oo sheegay inay usoo adeegsatay madaxtooyadu. Ibraahim Aden Qaalib waxa uu kamid ahaa taageerayaashii ruuxiga ahaa ee uu ku taamayay xisbiga kulmiye xiligaas kana soo jeeday gobolka awdal isaga oo fara baas ku hayay xukuumadii madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin. masuulka labaad ee aynu ku eegi doono ayaa ah Wasiirkii Hore ee kaluumaysiga iyo dekedaha DR Maxamed yaasiin oo mudo yar magacaabistii dabadeed la eryay isagoo xusay in laga raacay madaxtooyada oo markaa doorabidaysay mashruuc cid ay ku naanuujinaysay oo uu hor istaagay. Wasiirka ayaa sida hadaladiisi ku cad waxaa laga raacay qasriga madaxtooyada oo ay diidamadiisa gadhwadeen ka ahayd marwada koowad Aamina waris sheekh maxamuud Akhristayaal waxaan qormadeenan qormada xigta ku falaqaydoonaan Masuuliyiintii ugu cuslaa xukuumada siilaanyo mudadii ay xilalka hayeena waxmuuqda ka qabtay meelihii loo magacaabay kuwaasi oo bulshaduna wali xasuusan tahay raadadkoodii hasayeeshee laga qaniinay meelo kale oo awoodle taasi oo sobabtay in kuraasta laga caydhiyo. iyo doorarkii ay ku lahaayeen sedexda masuul ee aan kor ku xusnay Eng Maxamed Xaashi cilmi wasiirkii hore ee maaliyada Dr Xuseen Xoog wasiirkii hore ee caafimaadka Muj Cabdiraxmaan yuusuf ducaale (Boobe) wasiirkii hore ee warfaafinta
FIKIRKA AKHRISTA YAASHU WAA MUHIIM . LASOCO QORMADEENA DANBE……………… WAJAALENEWS DESK EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|