falanqaynta Wasiiradii Iyo Taliyayaashii Xilka Uu Ka Qaaday Madaxwayne Siilaanyo Mudo Xileedkiisii Xalaasha Ahaa Iyo Saamaynta Ay Ku lahaayeen , Wasiir Xirsi, Marwo Aamina Waris Iyo Muuse Biixi Xil Qaadistooda. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
falanqaynta Wasiiradii Iyo Taliyayaashii Xilka Uu Ka Qaaday Madaxwayne Siilaanyo Mudo Xileedkiisii Xalaasha Ahaa Iyo Saamaynta Ay Ku lahaayeen , Wasiir Xirsi, Marwo Aamina Waris Iyo Muuse Biixi Xil Qaadistooda.
July 23, 2015 - Written by Editor:

Hargaysa(Wajaalenews) sida  Aad lawada socotaan maalmo kooban  ayaa ka Hadhsan   dhamaadka mudo xileedka madaxwayne siilaanyo ee ku eegaa 2010-2015 oo ku eegaa afar cisho ka dib kaasi oo boqolkiiba 49% kaga guulaystay xisbiyadii xiligaa latartamayay xisbiga kulmiye oo kala ahaa Udub oo ahaa xisbiga muxaafidka ah ee xiligaas iyo ucid oo ku mataanaynayay xsibiga kulmiye mucaaridnimadii xiligaas .

WW

Waa Qormo todobaadle ah oo maalin kasta oo khamiisa kusoo bixi doonta shabada wararka ee wajaalenews oo si wayn u falaqaynta doonta waa yihii lasoo maray mudo xileedkii shacabweynaha somaaliland doorteen madaxweyne siilaanyo si uu wado ugu jeexo geediga horumarka wadanka ee dawada u noqon lahayd nolosha shacabka.

Hadaba rajo ay qabeen shacabka reer somaliland ayaa isku badashay halbacaad lagu lisay waxayna xukuumada siilaanyo wakhtigeedii ku dhamaysatay dawlad lagu kala Aargoosto, Awoodii madaxwaynaha noqotay mid la bililiqaystay

Taasi oo sida muuqata ay ka faaiidaysteen xubno xukuumada iyo xisbiga ka mida.

Waxaynu qormadan ku eegi doonaa doorarka kala duwan ee ay ku lahaayeen muuse biixi wasiir xirsi iyo marwada koowaad ee madaxwayanaha Aamina Sheekh maxamuud Jirde  Aamina Waris xilka qaadisaha masuuliyiin siyaabo kala duwan shaqada looga caydhiyay,

Masuuliyiinta xilalka laga qaday ayaa midkastaa xil wareejintii iyo goobaha lagu kulmaba  wuxuu hoosta ka xariiqay cidii qaniinta halka laga raacay iyo godabtiisa cida uu u tirinayo

Tirada wasiirada xilka laga qaaday, taliyayaasha ciidamada. iyo masuuliyiin kale

wasiiro iyo taliyayaal badan oo qaarkood ahaayeen labeenta bulsha waynta somaliland ayaa soomaray mudo xileedkaas siilaanyo kuwaasi oo door muhiim ah kasoo qaatay horumarinta haayadihii xukuumiga ahaa ee uu u magacaabay madaxweyne siilaanyo kuwaasi oo xilka lagaga qaaday diraytooyin kala danbeeyay oo ay dabada ka riixayeen shakhsiyaad adeegsanayay qof jeclaysi iyo necbaysi.

 

NB;Wasiirkii hore ee wasaarada caafimaadka Xusseen Xoog ayaa laga hayay

” waxan u sheegayaa wasiirka xilka igala wareegaya in ay jirto bar control oo loosii maro madaxweynaha ee ogow”

iyada oo inta badan ay jirto is kooxaysi kala qoqoban oo ku salaysnaa dano gaar ahaaneed taasi oo inta badan ka dhex muuqatay isku shaandhaynta madaxtooyada shaqsiyaadka la magacaabayo iyo kuwa xilka laga qaadayo.

 

 

 

 

FILASHO WACAN QORMADAN OO WAXYAALO BADAN BEDKA SOO DHIGI DOONTA

lasoco

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS