Fadliga Soonka Bisha Ramadaan-14aad;SH Jaabir Herblist | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Fadliga Soonka Bisha Ramadaan-14aad;SH Jaabir Herblist
July 1, 2015 - Written by Editor:

Allahuma inaka cafuwun kariimun tuxibulcafwa facfucannaa(allahayow waxaad tahay saamaxaad badne,saamaxaadana waad jeceshahay,nasaamax,yaa allaah)

Waxaynu kasoo hadlaynay habeenka fadliga wayn ee laylatul qadriga inagoo sheegnay in habeenkaasi leeyahay fadli aad u wayn oo aan lasoo koobi karin,taasi oo ay xadiis kusoo aroortay in hadii uu qofka muslimka ahi habeenkaa is yidhaa waa caawa wuxuu odhanayo ee uu ku ducaysanayo iyadoo sawjadii rasuulku s.c.w ee caa,isha abu-bakar allaah haka raali ahaado dhamaantoode,ay soo warisay inay rasuulka s.c.w waydiisay su,aal ah “rasuul allaw hadii aan is idhaa waa caawa maxaan ku ducaystaa?” waxaa uu rasuulku ku jawaabay s.c.w xadiiska ducada ah ee kor ku xusan ee aan maanta ku furnay qormadeena,hadii iyadna aan tilmaamno waxa lagu garan karo habeenkan calaamadihiisa,waxaan soo qaadan karaa xadiiska rasuulka s.c.w, “aroorta laylatul qadriga waxay qorraxdu soo baxdaa iyadoo wax shucaaca aan lahayn iyadoo aad moodo wareeg cad oo saafi ah ilaa inta ay kor usoo wada baxayso”.

Sida isna xadiis xassan ah kusoo arootay wuxuu rasuulku yidhi sida uu ibnu cabaas soo wariyay allaah raali haka ahaadee ” habeenka laylatul qadrigu waa habeen degan oo furfuran,oo aan kululayn,qaboobayna,waxaanay cadceedu soo baxdaa iyadoo daciif ah isla markaana cas,”

Intaas hadii aan kaga baxno laylatul qadriga,waxaan halkan iyadna ka yara hadli doonaa ictikaafka oo isaga laftiisa aan qormadii tan ka horaysay wax ka xusnay,taasi oo aan halkan kusii faahfaahin doono isha allah.

Ictikaafku xaga luqada waa ku nagaansho shay dushii,xaga macnaha shariciga diintana waa degitaan uu qofku dago masjidka cibaado darteed waxaanu ku ansaxaa goob la ictikaafo oo cibaado iyo mid citikaafa oo cibaadaysta,

Ictikaafka oo ah shay sune wayn ah ayaa haboon ramadaanta iyo ramadaan la,aanba,waxaana soo aroortay in rasuulku s.c .w masjidka ictikaafay tobankii cisho ee ugu danbeeyay bisha shuwaal,waxaa isna uu cumar binu khadaab waydiiyay rasuulka s.cw ‘rasuul allaw waxaan balan ku galay intaanan islaamin ka hor inaan habeen joogo oon ictikaafo masjid xaramka ee miyaan oofiyaa balankaygaas”? wuxuu rasuulku ugu jawaabay haa oofi balankaagaas,markaas ogow in ictikaafku sune iska fasaxan yahay mar walba,balse waxaa maanta xusid mudan inaad ogaato in bishan ramadaan uu ugu fadli badan yahay khaasatan tobanka habeen ee bisha ramadaan ugu danbeeya,waana sidii uu rasuulku samayn jiray ilaa intii uu ka geeriyoonayay caalamkan yar ee uu u wareegayay caalamka balaadhan ee rafiiq al-aclaa.

Shuruuda ictikaafku ku ansaxayo waxaa kow ka ah inaad ogaato inaanu ku ansaxayn masjid mooyee meel kale taasi oo aayad quraan ahi ina tustay suurada al-baqra 187 isagoo allaah ina faray “dumarka ha xodxodanina idinkoo masjidka ictikaafsan”

Waxaa kale oo ogaal iyo fahan u baahan in masaladan marka laga bilaabo halkaas ay gasho waxogaa khilaaf ah xaga nasuusta lakala daliishanayo markaad eegto taasi oo culimada qaar ku gaar yeeleen aayada quraanka ah ee aan xusnay macnaha masaajid ee ku yaala xadiiska rasuulku sheegay ee ah ” lama ictikaafi karo sadex masjid mooyee kuwo kale masjidka xaramka,masjidka,madiina,masjidka al-aqsa, waxaana halkaas iyana ka hadla culimo kale oo ku tagsan in aanay tani qaydayn ictikaafka guud ee sunaha ah balse lagu gudan karo inta kale ee masaajid arlada ku taala oo dhan, sidaa u ogow in masaajida oo dhan ictikaaf uga furan yahay

Taas marka aynu iska dul marno adigu ka qaado kaliya in ictikaafka masaajida ee tobanka danbe sune yahay isla markaana uu kaaga ansaxayo masjid oo kaliya.akhristow wixii intaa kasii danbeeya ayaynu isha allaah sii faahfaahin,

Lasoco….

 

Waxaa qoray sh.jabir

COMMENTS
LINKS