Faca Guul Darada, Qalinkii:- Garyaqaan Cabdale Dahir Adan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Faca Guul Darada, Qalinkii:- Garyaqaan Cabdale Dahir Adan
July 4, 2015 - Written by Editor:

Tan iyo maalintii uu Eebe taagay udubka aduunyadan aan ku noolnahay, waxa dadku isgu xidhnaayeen xidhmo xidhmo, taas oo ah intii isku da’ dhawi in ay isku tahay fac’ wadaag.

Hadaba waxan aan rabaa in aan si gaara u qeexo in xidhmo ka mida xidhmooyinkii soo maray bulshada somaliland guud ahaan iyo gaar ahaanba, ay ugu suntan yihiin bulshada facii guul-darada, waxana aan sidaad u idhi, waxan fac kasta laga rabaa waa in uu hawshii ku soo hagaagta sida ugu quruxda badan uu uga faa’iideeyo, isaga oo taas ku galaayay garaadka faca ka dambeeya, oo ay u taal hawshaas hawl la mida, oo ah in ay wanaagaas ay halkaas ka

sii wadaan, guushuna noqoto mid facba faca ka dambeeya uu ka sii xaadhayo boholaha ku gadaafmi kara.

Hadaba faca aan u jeedaa waa inta siyaasada ku jirta iyo inta aqoonta u baratay bulasha, waana da’da uu Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal uu hor-moodka u yahay iyo dhamaan raga maanta siyaasada somaliland hogaankeeda haya ama laga furfuri la’yahay, waxana ay ku guul-daraysteen qodobadan, oo aan rabo in aan si gaara ugu furfuro facaas iyo ragaas kaalintaas gabeen iyo waxa laga rabay in ay qabtaan, iyo guud ahaan waxa facaas laga rabay in ay u qabtaan bulshada somaliland, waxana udub-dhexaad u ah weydiimahan oo ah

1-      waxa aad bulshada somaliland aad ka lumiseen qaran ay u dhantahay qaranimadiisu ee qarankaas, halkeed ku lumisee?

2-      Sideed u lumisee?

3-      Maxaad ugu soo celin weydeen bulshada qarankaas aad ka lumisen?

4-      Hadii se aad ku guul-daraysateen in aad qarankaas aad lumiseen aad u soo celisaan bulshadda maxaad uga fadhiisan weydeen siyaasada?

5-      Maxaase idinka hor-jooga in aad qirataan in aad idinku leedihiin jabkaas bulshada ku dhacay?

6-      Maxaa se idiin diiday in aad u sheegtaan waxa keenay jabkaas?

Waxaas oo dhami waa rukunada qormadan, se kama war-celin karo, aniga oo kaliya waxa ay u taalaa waa xidhmadaas aan sumada uga dhigay faca guul darada, qormaduna waxa ay furfuraysaa waxa facaas laga rabay in uu qabto, ee uu qaban waayay, iyada oo hab weydiimo ah u dhigaysa, waxana sidaas aan uga dhigay xogta aan tabaynaa waxa ay ka soo baxaysaa waa weydiimahan, ee waxa qiimo ah oo buuran laga dheefi mayo, hadii aan hadaba cid gaara aan kula kufno gafkaas iyo jabkaas, xidhimadaasina sida ay uga wareegayaan ayaa waqtigu ku lumayaa, ee weydiimaha waxa aan uga dhigay waa dheegasho iyo garaadkaa.

 

1-      In aad ku guul-daraysateen dhalinta 5ta somaliyeed

Hadii ay ahayd wixii qarankeena somaliland loo burburiyay 1960 in la helo 5ta somaliyeed, maxaa riyadaas ka dhigay mid been ah? Maxaase keenay in ay sidaas foosha xun u noqoto dhalaan-habaabis? Se riyadaasi suurta gal ma ahayd? Hada se ma suurta galaysaa? Yaa diidanaa in ay run noqoto? Maxay ku diideen? Se 5tan la sheegayaa ma ka dhab bay ahayd in laga rumeeyo riyadaas? Yaase diidanaa 5tan? Maxay ku diidanaayeen? se hadii waxa burburku soo gaadhay ay noqdeen labadii is-raacay maxaa keenay in sidaas foosha xun colaadi u dhex-marto? Maxay colaadu ku qotontaa? Miyaanse colaadaas laga hor-tagi kareen? Maxaase keenay in somaliland ay heli weydo qaranimadeedii? Somaliyana ay gasho colaad lagu hoobto? Se midnimadu ma waxa ay ahayd mid labadooda oo kaliya lagu burburinaayo? Hadiiba midnimadii waxaas oo burbura dhashay maanay ahayn midnimo lagu shir-qoolay labadii is-raacay oo kaliya? Yaase shir-qoolkaas ka muusl ahaa? Se hada xal ma yahay kala baxani? Midnimadu hada ma Somaliland iyo somaliyaa? Mise waa 5tii somaliyeed? Se kala baxu xal ma yahay? Hadii la kala baxo maxaa la wadaagaya? Maxaanse la wadaagayn? Ma laga yabaa in Somali inta ay kala baxdo hadana mudo ka dib ay dib isku soo raadsato? Se somalinimadu ma qaran baa mise waa tol-weyne (qawmiyad)? Maxaa se taas aragti kasta marag u ah?

Xidhmadaas weydiimaha ah weeyi halka ay ku luntay xogta loo wada haraadan yahay, ee qofba meel kala dhacay, se inta furfurida weydiimahaas ay sida ay tahay aanay uga war-celin faca guul daradu waa hubaal heehaabka iyo habawga ku dhacay qarankeena Somaliland iyo dhankaas kale ee somaliya in uu yahay mid waligii jiraaya, la iskuna tuurtuuri doono dhibtaas iyo cida qaadanaysa ee dusha u ridanaysa masuuliyadeeda.

Se waxaas oo dhan waxa ka horaysa weydiimahan, oo ah facaasi ma yahay faca qiranaaya gafkaas una diyaara in uu si dhaba uga war-celiyo weydiimahaa? Mise waxa uu diyaar u yahay in uu ka warwareego weydiimahan sida uu uga warwaareego hada? Waxana dhaba qirashada gafku waa qaybta ugu mudan uguna geesinimada badan hawl kasata oo la qabto, waxana qirashadaas feedh-yaala in si wada jira iyada oo laga duulayo wixii laga bartay jabkaas in laga wada hawl-galo sidii aanu dib ugu soo laaban lahayn.

Se weydiimahani waa qaar u yaala facan ka dambeeya facaas guul-darada baday bulshada Somaliland in ay sib a ugu weydiiyaan meel kasta iyo madal kasata iyo in ay laftooduna si-dhaba u baadhaan weydiimahan, oo ay qeexan maxaa inaga qaldamay? Maxaan se ka baranaynaa qaladkaas?  Maxaan se ku ogaanaynaa in uu waxaasi qalad yahay iyo in kale?

Guuxa dhabta ahi waa taas ee maaha dul-ka-xaadis kan yare e ay kula soo heehaabayaan bulshada, waxana facan ka dambeeya faca guul darada oo aan ka mid ahay laga inag rabaa in aan aqoonta iyo kasmo baadhisata aan ka dhigano labada indhood ee waxa ku eegayno, iyada oo mar-kasta ay aan ka dheeraanayno lab-la-kac iyo hebel jecelaysi iyo hebel nacebaysi, waxa kaliya ee aan raadinaynaana uu yahay in aan ka badbaadno in faca inag dambeeya uu inagana inagu yidhaa facii guul darada ubadkoodii, se waa in aan silsilada guul darada aan halkaas aan ku jarnaa.

Chief Executive Officer:- Damal Legal Services

 

Email:- cabdale1987@gmail.com

Tell:- 036-4240180

 

4/07/2015

 

COMMENTS
LINKS