Duruufo dastuuriya Oo Lagu Gabraarta Ma Jiraan, Waa Xil-Gudasho La’aan Iyo Xoolo Urursi Ummadeed Muddo Kordhintu. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Duruufo dastuuriya Oo Lagu Gabraarta Ma Jiraan, Waa Xil-Gudasho La’aan Iyo Xoolo Urursi Ummadeed Muddo Kordhintu.
July 10, 2015 - Written by Editor:

Madaxweyne ummadu waxay ku dooratay shan sanno oo xalaala, waxa lagugu doortay cod shacab oo aqlabiyad ah. Waxa kugu karaameeyay oo ku qancay barnaamijkaagii bulshada abaalna kaaga dhigay inaad majaraha ummada qabto oo aad noqoto madaxweyne taariikh uguba horseeda oo isbedel la mahadsho hirgasha, haddi waxqabadkii hungoobay oo sidii la rabay aanay waxba u hirgelin waa lagu tijaabshay oo shan sanno ayaad baarka ka goysay.

mabsuud(1)

Doorasho inaad qabato oo ummada aad marlbaad tidhaa maygu qanacdeen oo maydinsii hogaamin karaa xaqbaa lagugu lahaa waxanay ahayd xuquuq dastuuriya oo muwaadin kastaa leeyahay. Haddi lagu mahadshay oo ummadu kolabaad kuu baahato doorashada xaqiinjin lahayd oo marlbaadbaad guulaysan lahayd mucaaridkuna sidii sunnuhu ahaa ayay ku tiraabi lahaayeen hanbalyo iyo hawraarsan.Guul wadayaasha kugu asqeeyay shacabku wuu ku jecelyahay ee caynaanka hay beentooda iyo runtooda waxa xaqiijin lahayd doorasho xora oo xalaal, kish weynayaasha qasriga hadhkiisa fadhiya ee cashuurti ummada feentay waa fuud jacayle maaha sumacadaada dad jecel.

Masuuliyadda doorashada qaranka xilkeeda wuxuu saarnyahay xukumadda hirgelinteedu waa masuuliyad ka mida masuuliyadaha loo doortay ee hogaanka laguugu dhiibay, dub u dhaceeda waxa masuul ka ah xukuumadda hadba joogta, maanta masuuliyadeeda waxa leh Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo isagaa hogaankii u sareeyay dalka ah oo ay ahayd inuu ka hawlgalo qabsoomida doorsho xora oo xalaal.

Halkaa in laysla soo gaadho oo laysku tuur tuuro masiirka ummada may qumanayn, korodhisigu waa sunne xun haddi Riyaale korodhsaday in lagag daydo may ahayn, waxaan weli dhegaha shacabka ka bixin dhawaaqii Siilaanyo ee uu kob-kasta kalahaa  “Hadii aad I doorataan doorashada xiligeedaan ku qabanayaa”  dhedo roob noqon wayday maanta ayuu hal-xidhaalahaasi yaala mudane madaxweyne. Kordhintaa loo qalab qaatay kaamanu filayn waase xaal adduuno taariikhda nolosha mahadhooyinka maalinba meeris qoraysa, shalay kordhin diid maantana ku dagaalan kursiga halay kordhiyo.

Hogaamiyayaasha dunida ee dadkooda iyo dalkooda u tudhaya ku dayashadoodu waa inay muddo xileedka aanay xaqa u lahayn ee aan la dooran diidaan oo ay ka doorbidaan horusocodka dimuqraadiyada is-doorashada xorta ah, kaligii taliye aan kaalin gelin oo macangaga ayaa ku dhegenaada kursiga aanu hiigid mooye horumar kusoo kordhinayn.  waxaanu ku riyoon jirray Mujaahidku wuxuu furi doona bog cusub madaama uu Inbadan dalka usoo halgamay oo soo geshay tacab badan, mooyi maanta meelay  ka hoos martee waaka aan tudhaalaha lahayn ee ku jiqsi oo jujuub ku korodhsanaaya ee aan garawshiiyo iyo garaqaadasho midna laga hayn.

Taariikhda Somaliland waxay kugu xusidoontaa inaad tahay madaxweyne ummada been u sheegay oo wacadkii uu qaaday aan fulin, imisa jerbuu madaxweynaheena sharafta lihi ballan qaaday oo uu madal warbaahin iyo mudanayaal joogaan kaga tiraabay inaanu korodhsanayn, maantana kawarama malaha kordhin maaha tani.

Jinkaa korodhsiimada in laga cuudiyo madaxdeena ayaa quman waa ficil qaldan oo aanay mudnayn bulshada gobta ahi, maalinba maaha ninka kursiga fuulaa inuu cashuurta ummada ku mamo oo uu jeclaysto kursi aanu xaq u lahayn sii dul-yuururkiisa. Xaasha haddi maanta ay dhacday inay dub u dhacdaa waa gunnimo shacabiyahoow aynu korro oo ka diidno masuul danbe inuu muddo xileed aynaan dooran ina hogaansho.

Dub u dhaca duruuf dastuuriya oo lagu gabraarta ma jirto maanta oo la yidhaa aafadaasa ina heshay ee aynu ku qanacno, may xumaateen haddi micne dastuuriya iyo qodob qeexan lagu korodhsado ee wuxuunbaa lagu korodhsaday xil jacayl iyo xoolo urursi xaarana. Awoodbuu u leeyhay haddi uu daacadyahay madaxweynuhu inuu doorashada hirgasho, mucaaridku awood umalaha inay u hogaansamaan kolba sidaa xaal noqodo mooyee, maanta dalka ama haddimaad u horseedi ama hadhacbaad dejin Madaxweyne. Haadaan yay kaa tuurin dadka  aan sharaftaada iyo karaamadada lexejeclo ka hayni ee u hammum qaba hiigida cashuurta shacabka. Weli fursad aad kagag gasho taariikhda baal dahaba way ku bannan tahay madaxweyne.

Af-hayeenka garabka dhallinyarada heer qaran

Maxamed Sidiiq.

COMMENTS
LINKS