Dowlada Maraykanka Oo U Digtay Muwaadininteeda U Socdaalaya Dalka Jabuuti | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dowlada Maraykanka Oo U Digtay Muwaadininteeda U Socdaalaya Dalka Jabuuti
July 19, 2015 - Written by Editor:

Washintong, (Wajaalenews)-Wasaarada Arrimaha dibada dalka Maraykanka ayaa uga digtay muwaadininteeda u safari doona dalka Djibouti inay ka fejignadan halista weeraro amni oo lala damacsan yahay in lagu beegsado Ajaanibka ku nool dalkaasi.

usa jabuuti

Sidaas waxaa sheegtay   qoraal ay soo saartay wasaaradda Arrimaha dibadda ee Maraykanka oo baggeedda ay internetka ku leedahay soo dhigtay.

“Xafiska arrimaha dibada ee dowlada Maraykanka ayaa uga digtay muwaadininta u dhashay dalkaas ee uu boqolaya dalka Djibouti, inay ka feejignaadaan safarkooga dalka Djibouti, haliista arrimaha amni ee ku saabsan amniga sida weeraro ay kooxaha argagixisada ka jira gobolka”ayaa lagu yidhi  qoraalkaasi.

Digniintan socdaalka dalka Djibouti ay badelaysa digniintii hore oo taariikhdeedu ahayd November 25, 2014 oo sidan oo kale uu maraykanku muwaadiniintiisa uga digay inay tagaan dalka Jabuuti sababo amni awgeed.

Xukumada Maraykanku waxa ay wali ka walaacsan tahay halista weeraro lagu qaado muwaadininta u dhashay Maraykanka ee ku sugan Djibouti oo ay ku joogan dalxiis ama deganaasho ay degan yihiin dalka Djibouti sababo la xidhiidha ajaanib ahaan.

Waxaanay qoraalkaasi ku shegeen in meelaha la doonayo in la bartilmaamsado ka mid yihiin goobaha dowliga ah, xafiisyada safaradaha iyo saldhigyada military, iyo goobaha kale ee jilicsan ee hudheelada cuntada, kalaabyadda, hudheelada hurdada iyo goobaha kale ee ganacsi.

Dowlada Djibouti ayaa ku hawlan sidii ay gacanta ku dhigii lahayd shaqsiyaadki ka dambeeya ama ku lug lahaa wereradii kooxda Al Shabab fulisay bishii May sannadkii 2014 ka fuliyeen gudaha magalada Djibouti.

Bishii May 24, 2014, laba qof ayaa isku qarxiyey hudheel cunta ah oo dalxisayaasha ajaanibku yimaadaan, Werarkaasna waxa ku dhintay hal qof iyo dhowr qof oo ku dhawaacmay. Kooxda Al shabaab oo sheegatay weerarkaas iyagu ku daray inay weerari doonaan goob walba ay diiraada saaran muwaadin Djibouti u dhashay ama ajaaniib. Hanjabaadaha ka soo yeedha kooxda Al shabaab oo bilaabantay sanadkii 2011 ka dib markii dowlada Djibouti ay geysay ciidamo military dalka Soomaaliya isla markaana ka qayb qaadato ururka midowga Afrikan Unionka ee AMISOM.

COMMENTS
LINKS