|
|||||
WAJAALE NEWS
Doorasho Deg Deg Ah Diiwaan Galin Sax ah Ayaa Ka Muhiimsan
July 12, 2015 - Written by Wariye:Waxaa baryahan dambe dalkii mashquuliyay oo jaha wareryay muran iyo is maan dhaaf ka jira dhinaca siyaasadda oo ku saabsan doorashada madaxweynaha iyo doorashada Golaha wakiilada xiliga la qaban doono. U malayn mayo in muran iyo shaki ku jiro am ka taagan yahay in doorasho maanta dalka ay ka qabsoomayso taas oo diyaar loo wada yahay dib u dhac farsamo isla mar ahaantaasna uma malayn maayo in waxbaba la iska sii wayddiiyay illa hadda dhibaatooyinkii iyo caqabadihii hore inooga soo maray doorashyiinkii kala dambeeyay ee dalka ka qabsoomay . Hadaba murananka maanta taagani waa mid dhaafi waayay, kordhinta golaha guurtidu xalaal iyo sharci ma yahay iyo ma aha. Muranku waxa kale oo u ku soo ururay goorta la qabanayo dooraashada madaxweynaha iyo hanjabaad is daba joog ah oo ka soo yeedhaya madaxda sar sare ee xisbiyada mucaaridka ah oo khariidaddii siyaasadeed ka lunsantahay ! Waxaa iyana aad la yaab u leh in aan laba soo hadal qaadin bal inay jirto doorashada golaha wakiiladu iyo goorta la qabanayo toona, waxaana qaylada mucaaradka intiisa badan hadheeyay oo ay ku celceliyaan xilli dhamaadka xukuumadda talada haysa iyo doorashada madaxweynaha goorta la qabanayo . Guddoomiyaha golaha wakiiladu ahana gudoomiyiha xisbiga wadani ee mucaaradka ah wuxuu wali ku sii yahay gudoomiyaha Golaha wakiilada isaga iyo xubnaha golahiisuba laba goor oo min shan sannadood ahayd oo muddo kordhin golaha guurtidu u kordhisay. Madaxweynayaashii hore ee qarankan iyagana sidan oo kale waxaa golaha guurtidu u kordhin jireen marka duruufo dib u dhaca ah oo sida tan oo kale ihii inna soo waajahdo. Hadaba goormay sharci darro iyo xaaraan noqotay muddo kordhinta Golaha guurtida ee horeba u soo dhici jirtay laguna soo dhaqmi jiray ? Goorma ayaa golihii distooriga ahaa ee guurtida sharci darro uu noqday ? Qaylada mucaaradka iyo heshiiska xisbiyadu gadheen labadaba midna dalkan distoori uma ah, distoorka Golaha guurtida Golaha guurtida iyo go’aamada ka soo baxaa ayaa dalkan sharci ka ah ee saaxiibayaal candhuuftiinna dib u liqa. Ma markii madaxweynayaashii hore loo kordhinayay ama Golaha wakiilada muddo dhaafka ah tobanka sanadood loo kordhinayay ayaynu qaldanayn mise maantaynu qaldannahay, marka xukuumaddan talada haysa iyo Golaha wakiiladaba laba iyo labaatan bilood Golaha guurtidu u kordhiyeen doorashada oo qabsoomi wayday awgeed ayaynu qaldannay? Madaxweynaha qaranka madaxweyne la soo doortay ayuun baa badali kara.Golaha wakiiladana sidoo kale gole cod ku yimid ayuun baa badali kara sida inoogu qoran distoorka qof jecel iyo qof diidanba ? Miyaan gudoomiye Faysal goob joog u soo ahaan jirin kordhintii Golaha guurtida ee kala dambaysay intii Somaliland jirtayba, miyaanu se guddoomiye Cirro maantadaa aynu joogno kordhinta Golaha guurtida ku ahayn kuna fadhiyin guddoomiyaha Golaha wakiilada. Waa maxay sababta umadda loo kicinayaa ee loo jaha wareerinayaa ilayn guddoomiyihii laftiisii ayaaba muddo kordhin laba goor ah ku fadhiyee? Qaylada mucaaradka iyo heshiiska xisbiyada gadheen labadaba midina dalkan distoori uma ah, distoorka Somaliland, golaha guurtida iyo go’aamada ka soo baxaa dalkan ayaa sharci ka ah mucaarad daaqad ka soo dhaca iyo mid yidha dawlad baan ku dhawaaqaynaa waa qaran dumis ka soo hojeestay distoorkii inaga wada dhexeeyay. Dalka waa la wada leeyahay dhamaan shacabka reer Somaliland, xukmaduna ma leh mucaaradna ma leh qof kii ku xad gudba burburinta qarannimo xeerba ka yaal oo umaddani ka meel sii dhigatay. Dalka iyo dadka hanjaabaddan mid dhaanta oo ah barnaamij siyaasadeed la shir kaalaya xisbiyadow sidan shacabkii reer Somalilan xaqiiq ahaan cod idinku siin maayaan, dalkana idinku aamini maayaan! Komishanka doorashooyinka qaranku waxay sida aynu la wada socnay sanadkan horraantiisii soo bandhigeen mudada ay qaadan karto inay ku dhamaystiraan diiwaan galinta codbixiyeyaasha oo sida ay sheegeen ku beegan bilaha ka dambeeya bishan Ramadaan ee barakaysan. Illa intii halkaa la marayay talada xubnaha komishanku way toosnayd waxaanay ku salaysnayd qiimayn iyo qiyaas la saadalin karo oo mudada hawlaha diiwaan galintu ay qaadan karaan. Waxaa hadaba wareer badan iyo murankan dhaliyay maalintii ay komishanka doorashooyinka qaranku goor subaxa iskaga dhawaaqeen taariikh ay ku sheegeen in ay qabanayaan doorashada. Horta maalintaas ayay caddaatay inaan koomishanka doorashooyinka qaranku ay deg degeen iyaga oo wax xal iyo qorshe lagu tilmaamo aan u sii diyaarsan hawlahaas baaxda badan. Komishanka doorashooyinka qaranka oo ah hal marwo iyo lix mudane oo aad u sharaf badan horta waa marka horee umay lahayn khibrad ku saabsan sidii marka hore diiwaan galin loo qaban lahaa doorashana ay ugu xigi lahayd waxaad se mooddaa in ay iyaguna ku dhaga bar joobeen xisbiyada mucaaradka ah ee ay kaga dhagtay ku celcelinta qabashada doorasho aan qorsheba lahayn ! Illa haddda komishanka doorashooyinka qaranku may soo bandhigin arimaha muhiimka ah ee ka sii horaya maalinta doorashada. Komishanka waxaa la gudboon inay soo bandhigaan jadwal ku salaysan hawlaha ku soo fool leh oo ah ciladaha iyo caqabadaha doorasho leedahay sida ay ugu diyaar garoobeen kuwaas oo kala ah : 1. Dhibaatooyinka iyo caqabadaha ku soo socda iyo waxay kaga talo galeen ee meel u sii yaal oo ah qorshaha sida loo diiwaan galinayo tuulo tuulo, degmo degmo iyo gobol gobolba. 2. Qorshaha tirada goobaha codbixinta ee heer tuulo, degmo iyo gobolba oo sida caadadu tahay deegaan kasta dadka cod bixiyaasha dagani cabatin xooggan ka muujiyaan doorasho kasta in lagu yareeyay iwm. 3. Qorshaha meel uga sii yaalla ciladaha dhici kara inay ku iman karaan tayada agabka ( sida laptop yada, kamaradaha iyo nooca kaadhku siduu noqonayo) ee lagu diiwaan galinayo codbixiye yaasha oo wakhti lumis baaxad leh keeni kara. 4. Qorshaha ay ugu talo galeen inay kaga hor tagaan ciladaha la hubo in ay iman karaan 100% ee ah sida laydhka oo la waayo ama bakhtiya iyo aaladda internetka oo helitaankeedu adkaan karo ama helitaankeedu raagaba taas oo dib u dhac badan keeni karta haddaan tababushe jirin . 5. Qorshaha cilado farsamo oo ka iman karta komishanka ama maamulka hawlwadeenada heer tuulo, degmo ama gobol ee shaqaalaha diiwaan galinta ama doorashooyinka ee u xil saaran oo qaarkood dhankooda dib u dhac sababi karaan. 6. Maxaa ka sii qorshaysan, duruuf ku talo gal la’aan la iman karta dhanka cimilada RABBAANIGA ah sida roobab raxmaadka EEBBE keeno oo kale ah oo dhowr maalmood di’ kara iyo daadad kala xidha goobaha loo asteeyay diiwaangalinta iyo doorashooyinkaba, dib dhac ku keeni kara hawlihii diiwaangalinta codbixiyeyaasha ama doorashooyinkaba . 7. Qorshe ah in jadwalka ay ku darsadaan xeerka iyo shruucda lagu dooranayo xubnaha Golaha wakiilada ee wali Golaha wakiiladu aanu waxba ka qaban walina u laalan sidii loo qabyo tiri lahaa oo haddii maanta aan la sii guda galin lana bilaabin run ahaan doorashada Golaha wakiilada dib u dhigaysa wakhtigan la isku celcelinayana haba yaraatee ku qabsoomi doonin ! Horta maqaalkaygani waa talo bixin iyo dareen aniga aan qabo oo ii gaar ah haba yaraatee marnaba umaan qasdiyin ugu manaan talo galin in aan ku eedeeyo komishanka qaranka, xisbiyada mucaaradka ah iyo xukuumada toona waxaa se xaqiiqatan ii muuqda oo aan arkaa mid aad mooddo inay ka daahaan tahay komishanka qaranka iyo siyaasiyiintaba, halka manta la iskaga celcelinayo kordhintii golaha guurtida iyo heeshiiskii xisbiyada kee la qaataa. Maalin doorasho oo la iskaga dhawaaqo macno badan inoo samayn mayso waxaa se ka muhiimsan in laga sii wada tashado manta xal u hilidda hadhow keeni karta cabatin iyo khilaaf doorashada ka yimadda. Waxaan komishanka qaranka talo u siin lahaa in hawl culus culusi idin dul taal, taas oo ah inta qodob ee aan kor ku soo xusay iyo qaar kaleba, bal mudada ay qaadan karto mid mid si deggan daraasad si qoto dheer oo aragti fog ugu samaysa EEBBEENA ha idin la qabtee . Waxaa kale oo lagama maarmaan ah inaad xog urursi la xidhiidha wixii laga soo arkay doorashooyin kii kala dambeeyay aad isku mashquulisaan, muranka ah maalintee la qabamnaya doorashadana ka horaysiisaan hawlaha muhiimka ah ee dhaxal galka u ah qaranka. Xisbiyada qaranka gaar ahaan xisbiyada mucaaradka waxaa u taal in ay iska ilaawaan ku deg degga doorasho waxba aanay uga hoosayn oo aan wali diyaarba ka ahayn dhinaca komishanka doorashooyinka qaranka oo la iman karta hadhow muran ka badan ka manta taagan iyo muddo kordhin kale oo ay ku khasbanaadaan. Waxaa habboon oo danta xisbiyada siyaasadeed, danta xukuumadda, danta shacabka iyo qarankuba ku jirtaa in dhinac kaliya loo wada jeesto culayskana loo wada wareejiyo sidii diiwaan galin sax ah oo nadiif ah iyo doorasho aan la boobsiin oo mugdi mugdiaan yeelan dalka ay uga qabsoomi lahayd si loo wada helo doorasho xor ah oo xalaal ah muxaafid iyo mucaaradbana rally galisa. Golaha wakiilada iyo guddoomiyaheedaba hawl wakhti dheer ku baaqatay baa u taal oo ah in ay dhamaystiraan xeerka iyo shuruucda doorashada xubnaha golaha wakiilada la soo dooran doono ee wali qabyada ku ah golahooda illa maanta. Xukuumadana mid baa u taal oo ah inay diyaariso baahi kasta oo dhinaca xukuumadda kaga xidhan komishanka doorashooyinka . Hawl kastaa ama baahi kasta oo inagu soo socota haddaan qorshe mustaqbal iyo dayr adag laga sii samaysan oon laga sii diyaar garoobin dib u dhac kale, muran aan macno lahayn iyo khasaare inagu sii dheeraada ayaa ka iman kara. Intii murankani socday waxaa la iska ilaaway in laga hadlo qorshihii iyo nidaamkii loo qaban lahaa doorashooyinka iyo wixii talo bixin la xidhiidha ee la wadaagi lahaa balse ayaan darro waxay noqotay in taladiil iyo caqligii xisbiyada mucaaradku ku soo ururtay doorashooy , doorashooy dooasho goorma, goorma, doorashada madaxweynuhu waa in ay dhacdaa, waa in ay dhacdaa!! Xukuumadda waa in la ridaa oo daaqdda looga dhaca, ma ictiraafsanin xukuumaddan oo wakhtigeediibaa dhamaaday, Amisomay iyo deeq bixiyow na soo kala gaadha ciidamada siralyoon iyo hana loo keeno iyo dawladi jiri mayso wixii ka dambeeya bisha 26 ka Juun intaas cay qayaxan oo dhaqanka ka fog mooyaane wali maan maqal manaan arag illa maantadan madaxda siyaasiyiinta mucaaradka ah oo ka hadlaya dan qaran iyo sidii diiwaan galin nadiif ah loogu dadaali lahaa. Marnaba kamaan maqal siyaasiyiinta mucaaridka nasteexo qaran oo talo bixin xambaarsan meel ay ka soo jeediyeen iyo meel ay ku qoran tahay toona. Waxaa ayaan darro ah wax laga xumaadana ah inay noqdeen siyaasiyiintii manta isu sii dhigay isu lana han weynaa inay ku guulaystaan madaxnimada sare ee qarankani shakhsiyaad ku degdegaya kursi jacayl iyo madaxweyne raadis uun, wax kursi ka yarina aanu uba muuqan oo indhahoodu aanay arkayn wax kale. Hogaanka sare ee xisbiyada mucaaradka waxaan ku dhaliilayaa in umaddii iyo shacabkiiba ay khakhal iyo jahawareer ula soo taagan yihiin saxaafadda subaxii iyo habeenkii yimaadaba ! Waxaan Xisbiyada mucaaradka ah ku dhaliilayaa in aanay shacabka ula iman soona hor dhigin barnaamij lagu doorto oo ay ku kasban karaan shacabka reer Somaliland ee codbixiyeyaasha ah. Waxaan ku dhaliilayaa xisbiyada mucaaradka ah inay mucaaradaddii ka noqotay aflagaaddooyin ka baxsan dhaqanka iyo siyaasaddaba oo yooyootan been abuur lagu celceliyo noqday ! Waxaan maqaalkaygan ku soo gunaanadayaa doorasho la dadajiyaa dalka khayr uma soo waddo, hore ayaynu u soo aragnay dibaatadii inaga qabsatay kaydintii magacyada ee ee laga caban jiray kaydka ama server ka. Waxaynu soo aragnay doorashadii Golaha deegaanka ee lagu galay diiwaan galin la’aanta wixii inaga qabsaday iyo kalsooni daradii ay la timid, waxaanay inna galisay qas iyo muran keeni gaadhay inay shacabka kala fogayso dalkuna khal khal galo. Mid waxaan u sheegayaa shacabka reer Somaliland oo aan uga digayo kana waaninayo inaan cadifiyad iyo nin kursi u muuqdaa aanu nabad galyadooda kaga khamaarin. Waxaan shacabka uga digayaa inaan siyaasi ku guuldaraystay siyaasadda dalkan oo inuu xisbi xitaa ka soo baxo heli kari waayay ayaanu caadifiyaddiinna ruxin. Waxaanan ku soo gabagabaynayaa reer Somalilanow qaranimada iyo siyaasadda yaanay iskaga keen qaldamin. Qaranimada Somaliland waa muqaddas ku dhisan shuruuc iyo kala dambayn. Siyaasaddu waa maslaxad iyo danaysi gaar ah oo lagu gubto, waanay is bad badal badantahay oo tusaale ahaan. bal kii shalay kula dhinac ahaabaa barrina kaa soo hor jeesanaya kii shalay kaa soo hor jeedayna isku dhinac baa noqon kartaan. Doorasho iyo madaxnimo qaran laguma helo marwo sodoh ah oo la aflagaadeeyo madaxweynaha iyo qoyskiisa oo la caadaysto in maalin walba la caayo. Shakhsi weerar Doorasho aan siyaasadda shaqo ku lahayn. Hadab madaxtinimo qofkii EBBE u qoray ee dadaalkeeda la yimaadda ayuun baa hela oo kama fogaato ee wuu ku guulaystaa laakiin laguma helo qas, muran iyo hadal aan xikmad badan ku fadhiyin oo maalin kasta makarafoonka iyo saxaafadda lala soo taagan yahay. Maxamud Caydiid Lafcanbe Toronto, Canada COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|