Dooddii Baarlamaanka Somaliland Ee 6-dii April 1960: Xornimo Iyo Midnimo.W/Q: Cali Cabdi Coomay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dooddii Baarlamaanka Somaliland Ee 6-dii April 1960: Xornimo Iyo Midnimo.W/Q: Cali Cabdi Coomay
July 9, 2015 - Written by Wariye:

waa laba arrimood oo kala duwan oo mid waliba yeelan karto doodeeda u gaarka ah, haddana wuxuu goluhu go’aansaday inay labadaasi

6-dii April, 1960kii ayey doodani si kulul uga dhex socotay golahaasi sharci-dejinta Somaliland. Shirkani wuxuu ka dhacay xarunta maxkamada Goodirka. Waxa shirka fadhiyey Badhasaabkii ingiriiska ee wakhtigaasi oo la odhan jiray Sir. Douglas Hall, oo furitaankii shirkaasi hadal ka jeediyey. Ka dib waxa la gudogalay dooddii, waxaana furay Guddoomiyihii baarlamaanka oo ahaa Jaamac C/laahi Qaalib “Ina diirqadhaadh    “. Ajandaha shirku wuxuu ahaa labadaasi  qodob, oo si faahfaahsan u noqonaya:

·         Madaxbannaanida Somaliland oo Ingiriisku gacanta ku hayey.

·         Ta kalena waa arrin ku saabsan midawga dhex mari doona Somaliland iyo soomaliya.

waa laba arrimood oo kala duwan oo mid waliba yeelan karto doodeeda u gaarka ah, haddana wuxuu

goluhu go’aansaday inay labadaasi arrimood ee kala duwan noqdaan ajande kaliya, loogana doodo si wadajira tiiyoon la kala qaadin. Marka la dhuuxo qoraalada, lagana baaraan dego doodaasi iyo xildhibaannada doodaas ka qaybgalay soo jeediyeen, waxa inoo muuqanaysa sababta goluhu isugu dhafay labadaasi  arrimood, ugana dhigay ajande keliya.

Sida ku qeexan qoraalada diiwaannada hadalada xildhibaannada Somaliland ee doodaasi ka qaybgalay dhammaantood waxa ay u arkaayeen in madaxbannaanida iyo la midawga Soomaaliya yahay arrin kaliya oo isku dhafafan tahay, habboon tahayna inaan gooni-ggooni looga kala doodin, taasoo xildhibaanadu si caddaana oo marag ma doona u qeexeen in madaxbannaanida iyo midnimada ay Soomaaliya la yeelanayso ay wada dhacaan maalin kaliya oo ku beegan 1 July, 1960. Waxayna ugu muuqatay in haddii midkood la waayo ka kalana aanu jirayn.

Innagoo aan halkan ku soo wada koobi Karin hadaladii xildhibaannada oo dhan, nuxurka hadaladooduna yahay mid meel u wada jeeda oo aan wax khilaaf ah soo kala dhex galin, haddana tusaale ahaan aan soo qaadano fikradihii xildhibaannada Somaliland rumaysnaayeen, iyadoo aynu tixraacayno hadalladii dhawr xildhibaan oo xisbiyo kala duwan ka socday:

Hadalladii Xildhibaanada

Ugu horayn waxa shirka ka hadlay xildhibaan Maxamed Biixi Shuuriye, oo ka tirsanaa xisbigii SNL lagana soo doortay Hargaysa xaafadda Sheekh Madar, ayaa  yidhi” Ajandaha shirku waa “ Xornimo iyo Midnimo”. Hadalkan waxa ku soo heshiiyey labada xisbi ee SNL iyo USP oo baarlamaanka aqlabiyad ku lahaa. Mudane Shuuriye wuxuu intaasi raaciyey, waxa soo dhow maalintii Soomaaliya xornimada la siin lahaa, markaa haddii Somaliland isla maalintaasi xornimo waxa meesha ka baxaysa mushkiladii ay midnimadu yeelan lahayd.”

Xildhibaannada Somaliland waxa ay doonaayeen in Somali oo dhan yeelato dawlad keliya. Xildhibaan Ibraahim Cismaan Food (Basbaas) oo ka tirsana xisbiga SNL, lagana soo doortay degmo-doorashada Cadaadlay oo arrintaas qeexayaana waxa uu yidhi; “Soomaalidu ma doonayso shan dawladood oo kala gooni-gooniya, xataa laba dawladood oo kaliya ma doonayso.Waxay Soomaaliya qaadanasya xornimadeeda 1-da Juuly.Waxaan annaguna rajaynaynaa inaanaan maalintaas dib uga dhicin.”

Waxa kale oo rumaysnaayeen in xornimada Somaliland iyo midnimada Soomaaliya maalin keliya noqoto.Xildhibaan Xaaji Ibraahim Nuur oo ka tirsana xisbiga USP, lagana soo doortay degmo-doorashada Dila oo arrintan qeexaya wuxuu yidhi; “Waxay Soomaaliya qaadanaysaa Xornimadeedii 1 July, annaguna waa inaannu maalintaas qaadana xornimadayada si ay u suurtagasho inaannu isla malaintaas midawno.”

Waxa kale oo ay rumaysnaayeen in midnimada Somaliland iyo Soomaaliya horsoodayso midnimada shanta Soomaaliyeed. Xildhibaan Michael Mariamo oo ka tirsana xisbiga NUF, lagana soo doortay degmo-doorashada Ceel-afweyn oo arrintaas qeexaya, isna waxa uu yidhi; “Soomali oo idil ayaa sugaysa midowga labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya, waxayna midinimadaasi labada qaybood u horseedi doonta sidii shanta Soomaaliyeed oo idil u midoobi lahayd.”

Xildhibaan Yuusuf Ismaaciil Samatar “Gaandi”oo ka tirsanaa xisbigii SNL, lagana soo doortay Hargaysa xaafadda Sheekh Madar, ayaa isna hadalkiisa ku sheegay oo yidhi” waxa la ina sugaya dhammaan soomaalidii ku dhaqanayd geeska afrika, oo u hanqal taagaya xornimadeena iyo midowga shanta soomaaliyeed, markaa waa inay si dhakhso ah u dhacdaa xorimada iyo midowgu.”

Hadaladaasi waxay ahaayeen dhawr tusaale oo aan ka soo qaadanay doodii 6 April ee mudanayaashii laga soo doortay Somaliland, waana mid diiwaanada ay ka muuqato inay dhammaantood doonaayeen xornimo iyo midnimada Soomaaliya. La isma weydiin waxa la isku darsanayo iyo wixii shuruud ah ee labada dal kala saxeexanayaan, waan jabkii ugu horeeyey ee soo gaadha Somaliland.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, Qoraa ah.

Haragaysa, Somaliland.

calicoomay@hotmail.com

COMMENTS
LINKS