Diyaaraddo Joog Hoose Ku Duulaya Oo Hurdada u diiday Dadwaynaha Degmooyinka farawayne iyo Allaybaday | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Diyaaraddo Joog Hoose Ku Duulaya Oo Hurdada u diiday Dadwaynaha Degmooyinka farawayne iyo Allaybaday
July 31, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)-Maamulka degmada Fara-weyne ayaa sheegay in diyaaraddo joog hoose ku duulayay dul mareen degmada fara-weyne oo ka tirsan gobolka Maroodijeex, kuna taala xuduudka Somaliland iyo Itoobiya.

Guddoomiyaha degmada Fara-weyne ayaa sheegay in diyaarado loo malaynayo kuwa qumaatiga u kacaa dul mareen, balse aanay ka hayn xog ku saabsan diyaaraddahaasi maadaama aanay haysan wax lagu dareemi karo.

“Diyaaradahaasi abaaro 10:30-kii habeenimo markay saacaddu ahayd ayaa waxaa na soo dulmaray diyaaraddo joog hoose ku socda oo guux weyn oo guryaha oo dhan laga soo dareeray. Diyaaradduhu way is garab socdeen, waxaanay noo dhaafeen dhinaca galbeedka. Markaa diyaaraddaha waxaanu kula hadalno iyo waxaanu ku ogaanno midna kuma haynno degmada” ayuu yidhi guddoomiyaha degmada Fara-wayne,   Md faysal Maxamed jaamac oo warbaahinta Tooshnews la hadlay.

Geesta kale Cabdi Cali Nuur oo ka mid ah Masuuliyiinta Shirkada Telesom ee degmada fara-wayne ayaa sheegay in xalay ay dul mareen diyaaradahaasi oo aan wax laydh ah bixinayn balse markii lagu shiday Toosh ay bixiyeen sawir sidii khashaafada Kamarada ah kuwaasi oo u dhaafay degmada dhinaca Gabiley.

dhanka kale dadwaynaha degmada ALLAYBADAY ayaa iyana waxaa ilaa xalay dul heehaabayay diyaaro kuwaasi oo joog hoose ku duulaya

Laba Todobaad ka hor ayay sidan oo kale u dul mareen deegaanka waraabalay saddex diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah oo ka yimid dhinaca galbeedka Somaliland.

Wali kama hadal haayada Amaanka Somaliland diyaaradahan labada maalmood ee kala dambeeyay dulmarayay qaybo ka mid ah Somaliland.

 

COMMENTS
LINKS