|
|||||
WAJAALE NEWS
Diiwaangalintii Cod-Bixiyayaasha Oo Dib Uga Dhacaysa Wakhtigii Komishanku u Cayimay Ee Bisha July
July 7, 2015 - Written by Editor:Komishanka oo xisbiyada u bandhigay dibu-dhaca iyo dadweynaha oo laga qarinayo Hargeysa(Wajaalenews) Komishanka Doorashooyinka qaranka ayaa maalmahanba kulamo la lahaa Xukuumadda iyo Axsaabta Mucaaradka waxaanay kala hadleen qoddobo ay ka mid yihiin Diiwaangalintii cod-bixiyayaasha oo dib uga dhacaysa wakhtigii ay hore ugu qabteen ee 27 bishan July oo ay maalmo koobani inaga xigaan. Ilo wareed u dhuun daloola kulankii Komishanku la yeesheen Madaxweyne Siilaanyo afar cisho ka hor ayaa la sheegay inay u bandhigeen in Diiwaangalintii dib uga dhacayso wakhtigii ay cayimeen ee uu Madaxweynuhuna digreetada ku soo saaray. Waxaanay u sheegeen inay caqabadaasi tahay mid u baahan in uu ka war hayo. Sidoo kale, Komishanka Doorashooyinku waxay shalay kulan wadajir ah la yeesheen labada Xisbi mucaarad iyagoo ku war galiyey dibu-dhaca Diiwaangalinta Cod-bixiyayaasha, taasoo ay u food saareeyeen arrimo kala duwan oo ay ka mid tahay khilaafka ka taagan muddo kordhintii Guurtiduuu samaysay xukuumadda. Komishanka Doorashooyinka ayaa xukuumadda iyo Axsaabtaba u bandhigay in ay dibu u dhacayso ilaa muddo laba bilood ah, marka laga bilaabo wakhtigii hore oo ku beegan 27/July, hase yeeshee ma jiro war cad oo sheegaya wakhtiga ay si kama danbays ah u bilaabayaan Diiwaangalinta. Komishanka Doorashooyinka ayaa u muuqda inay ku dhex asqoobeen khilaafka aan wali saldhigin ee Guurtidda iyo Axsaabta Mucaaradka ah iyo Xukuumadda oo isku dhinac ah, waxaanay taasi keentay inay door bidaan inay ka codsadaan inay go’aan ka gaashaan mudada si ay qorshe ugu dajiyaan hawlaha halbawlaha u ah qabsoomida Doorashada oo ay Diiwaangalintu ka mid tahay. Komishanka Doorashooyinka ayaa ka hor iyada oo aan la iclaamin wakhtiga Doorashada mudeeyey wakhtiga Diiwaangalinta, iyagoo wakhtigaas ku dooday inay Diiwaangalintu muhiim tahay, hase yeeshee sida imika muuqata labadii mid na ma hayaan, iyagoo muddo dheer xilka hayey, ilaa hadana aanay muuqan wax shaqo ah oo ay qabteen. Si kasta ha ahaatee Komishanka Doorashooyinka oo ku cusub shaqada waxa looga baahan yahay inay la jaan-qaadaan gad-gadoonka siyaasadeed ee u dhaxeeya Xukuumadda iyo Mucaaradka oo ku kala aragti fog xiliga ay Doorashooyinku qabsoomi doonaan. Sidoo kale-na waxa looga fadhiyaa Komishanku inay gacanta ku hayaan dhaqaalaha iyo qorshayaasha kaga xidhan Qaadhaan-bixyayaasha kuwaas oo u muuqda inaanay ka wada socon labada dhinac, maadaama wax kasta oo la qaban lahaa ay saameeyeen go’aamada iyo Heshiisyada ay kala aaminsan yihiin xisbiyadii Doorashada loo qaban lahaaa Related posts:DAAWO;-Barnaamijka Shaacinta Musharixiinta Beesha Abokor Ciise Ee Golayaasha Wakiilada Iyo Deegaanka... Toos U Daawo:Xaflada Qaadhaan Ururinta Abaaraha Ee Lagu Badalay Xuska 18 May Oo Ka Socota Qasriga M... DAAWO ; Wasiirka Warshadaha Jsl Oo Si Adag Uga Jawaabay Hadalo Kasoo Yeedhay Xubnihii Qaadacay Shi... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|