|
|||||
WAJAALE NEWS
Digniin Caafimaad Oo Ku Socota Qaar Kamida Labiska Haweenka.
July 7, 2015 - Written by Editor:HARGAYSA(Wajaalenews) Sida ay baahisay ururka caafimaadka aduunka ee loosoo gaabiyo WHO todobaadkan ayaa soosaartay digniin ku socota haween weynaha kunool dunida guudkeega. digniintan ayaa lagu lafa guray halista caafimaad ee ka dhalan karta qaar kamida labiska hawennka ku waasi oo ay kamid yihiin qaadashada boorsooyinka ay haweenku sudhaan garabka, qaar kamida kabaha cidhibta dhaadheer ee ay ku labistaan haweenku, suunka ay hawennku dhexda ku yareeyaaan ee ay dhexda ku xidhaan iyo surwaalada jeniska ah. war bixintan ayaa lagu sheegay in boorsada ay haweenku garabka kuqaataan ay ku keeni karto xaalad caafimaad oo saamayn ah isku dheeli tirnaanata murqaha (muscle unbalanced) taasi oo ku keeni karta qalafsanaan,madax xanuun,qoor xanuun iyo dhabar xanuun. sidoo kale xidhashada kabaha cidhibta dhaahdeer leh ayaa la sheegay inay dumarka kukeeni karaan murkuukuco, lafa xanuun, kala bax joints ka lafaha cagta hoosteeda ah iyo xanuuno kale. waxa kale oo kamid ah suunka ay haweenku dhexda ku xidhaan ayaa lagu daray labiska haweenka ee khatarta ku ah caafimaadka haweenka kaasi oo warbixintan algu sheegay in saamayn wayn uu ku leeyahay neerfaha iskaga gudba caloosha ilaa xaga sare ee jirka sobobi kartana xanuuno badan oo ay kamid tahay jidhiidhico(tingling) iyo kabuubyio ugu danbayntii xidhashada saraawiisha jeanska ah ayay war bixintani sheegtay inu keeni karo saamayn caafimaad oo ay kamid tahay in uu khalkhal ku keeni karonerfaha iyo infection ku dhici kara xabadka.
WAJAALENEWS DESK DIYAARIYE H,A, Aadan wajalenews@gmail.com Related posts:Wafti Ka Socda Beesha Caalamka Dalka Uyimid Xal Uhelida Khilaafka Siyaasadeed Iyo Nuxurka Kulamo Ay ... Taliyaha Ciidanka Booiska jsl Oo Kormeeray Suuqyada Magaalada Hargaysa Iyo Waxyaabihii Uu kusoo Arka... DAAWO: Xil. Indho-indho Oo Mar Kale Ku Celiyay Inuu U Taagan Yahay Jagadda Madaxweyne Ku-Xigeenka Ee... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|