Digniin Caafimaad Oo Ku Socota Qaar Kamida Labiska Haweenka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Digniin Caafimaad Oo Ku Socota Qaar Kamida Labiska Haweenka.
July 7, 2015 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Sida ay baahisay ururka caafimaadka aduunka ee loosoo gaabiyo WHO todobaadkan ayaa soosaartay digniin ku socota haween weynaha kunool dunida guudkeega.

11692735_637631526336959_2748950535003697355_n 11659265_637631616336950_8876806353838806945_n

digniintan ayaa lagu lafa guray halista caafimaad ee ka dhalan karta qaar kamida labiska hawennka ku waasi oo ay kamid yihiin qaadashada boorsooyinka ay haweenku sudhaan garabka, qaar kamida kabaha cidhibta dhaadheer ee ay ku labistaan haweenku, suunka ay hawennku dhexda ku yareeyaaan ee ay dhexda ku xidhaan iyo surwaalada jeniska ah.

labis 1

war bixintan ayaa lagu sheegay in boorsada ay haweenku garabka kuqaataan ay ku keeni karto xaalad caafimaad oo saamayn ah isku dheeli tirnaanata murqaha (muscle unbalanced) taasi oo ku keeni karta qalafsanaan,madax xanuun,qoor xanuun iyo dhabar xanuun.

sidoo kale xidhashada kabaha cidhibta dhaahdeer leh ayaa la sheegay inay dumarka kukeeni karaan murkuukuco, lafa xanuun, kala bax joints ka lafaha cagta hoosteeda ah iyo xanuuno kale.

labis 3labis 2

waxa kale oo kamid ah suunka ay haweenku dhexda ku xidhaan ayaa lagu daray labiska haweenka ee khatarta ku ah caafimaadka haweenka kaasi oo warbixintan algu sheegay in saamayn wayn uu ku leeyahay neerfaha iskaga gudba caloosha ilaa xaga sare ee jirka sobobi kartana xanuuno badan oo ay kamid tahay jidhiidhico(tingling) iyo kabuubyio

ugu danbayntii xidhashada saraawiisha jeanska ah ayay war bixintani sheegtay inu keeni karo saamayn caafimaad oo ay kamid tahay in uu khalkhal ku keeni karonerfaha iyo infection ku dhici kara xabadka.

 

WAJAALENEWS DESK

DIYAARIYE H,A, Aadan

wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS