Dhashaaday Sugtaa Xaajadaaad Dhawrto Abidkaa. W/Q:- Deeq C/laahi Cawaale | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhashaaday Sugtaa Xaajadaaad Dhawrto Abidkaa. W/Q:- Deeq C/laahi Cawaale
July 27, 2015 - Written by Editor:

Tan iyo intii madaxweyne dalka soo martay ama golayaashii kala duwanaa ee dalka soo maray ha noqoto kuwa Deegaan, Wakiilo iyo kowo Guurtiba waxa dhacday in mid walba loo kordhinayay iyagoo kuwa ka danbeeyaana ku dooda kuwii inaga horeeyay aya loo kordhiyay sida uu maanta madaxweyne siilanyo ku doodaayo ee uu leeyahy ciro waa loo kordhiyay iyadoo bulsho ahan aanu u aragno mudo dhaafka xileed ee golaha wakiilada in eeda ugu badan uu madaxweynuhu leeyahay maadaama uu yahay cida awooda fulinta dorashada ugu saraysa uu isaga yahya ahaydna in uu mudo hore u diyaariyo habkii loo badali laha mudanayaasha wakiilada ee mudada 10 sano ka badan kuraasta ku fadhiyay doorasho la’aanta.

Hadaba waa ayaan daro cidi laga sugayay hawlaha oo dhan iyo inay wadanka ka fuliso doorashadii uu inta badan dadka dhexdiisa iyo saxaafada kaga celceliyay ee lahaa maalin ila dhaafi mayso inuu maanta ku doodo golo wakiilo aya loo kordhiyay,ay bulshada dhexdeena hadalo umada aan u fiicnan yiraahdan madaxweynahaa loo kordhiyay golaha wakiilada iyo gudoonkooda aya loo kordhiyay hadaladas oo aanu u aragno kuwo lagu caayaayo caqliga dadka balse aan ahyn kuwa dadku ku qanci karo waana nasiib daro manta in madaxweynuhu taas ku doodo.

Hadaba hadaan dulucda maqaalkaygan u soo noqdo markaan u fiirsano dhacdooyinkan soo noqnqoday ee ay ku doodaan madaxweynayaasha dalka soo maray ee mid midka kale leeyhay waa loo kordhiyay waxay sune xun u noqonaysaa iyo wado xun nidaamka maamulka wadanka,dimoquraadiyada iyo bulshada danbe sugaysa ama badali doonta kuwa hada jooga waayo hore ayaa abwaankii waynaa ilahay haw naxariistii SALAAN CARABAY U YIDHI* DHASHAADAY SUGTAA XAAJADAD DHAWRATAA ABID*

Hadaba madaxweyne adiga ayaa ah madaxweynihii dalka wixii hada kaa qaloocdana taariikhdu aya xusi wixii aad hajaajisana taariikhda ayaa xusi ee dalka iyo dadka wax wanaagsan uga tag oo ha dhawran wax dhashaada iyo dhalinyarta kaa danbbaysa suga sida tan manta oo kale ee ah hebelba waa loo kordhiyay.

 

Deeq C/laahi Cawaale

Qaahira Masar

 

COMMENTS
LINKS