Dagaallo Culus iyo Duqeymo ka Dhacay Gobollada Bay iyo Bakool ee Koonfurta Soomaaliya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dagaallo Culus iyo Duqeymo ka Dhacay Gobollada Bay iyo Bakool ee Koonfurta Soomaaliya.
July 30, 2015 - Written by Editor:

Bakool(wajaalenews)-Dagaallo culus ayaa ka dhacay Wadada u dhaxaysa Madaa & Tiyeeglow oo ka tirsan Gobalka Bakool, dagaalladaas ayaa waxaa waxa uu ka dhexeeyey ciidamada AMISON, kuwa dowladda Somalia oo dhinac ah iyo xoogagga Al-shabaab.

Waxaa la sheegayaa in khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ay ka dhasheen dagaalladan. Isgaadhsiinta ayaa ka go’an aaga uu ka socdo dagaalku, ciidamada AMISOM ee ka socda Itoobiya ayaa socod ku maraya inta u dhaxeysa Gobolka Baay iyo Bakool, iyagoo ay la socdaan ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia iyo maamulka Koonfur-galbeed.

Guddoomiyaha degmada Tiyeegloow, Foodcade ayaa sheegay inay la wareegeen deegaanka Madaa iyo Deegaanno kale ee u dhow Tiyeeglow, wuxuu kaloo sheegay inay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Somalia ay ku sii siqeen deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan oo ay Al-shabaab ku sugan tahay.

Sidoo kale, Xalay ayaa waxaa la maqlayaa gantaallo ay ku Ridayaan diyaaradaha dagaalka ee qumaatiga u kaca ah deegaan u dhaxeeya Baydhabo iyo Burjeetka oo u jirta 13-km, Waxaana laga Maqlayaa rasaas culus iyo duqeymo ay wadaan diyaaradaha dagaalka ee loo yaqaano Helicopters-ka.

Diiyaaradahan ayaa mar walba ka kaca garoonka diyaaradaha Baydhabo, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Itoobiya iyo saraakiil ciidan oo kasoo jeeda Mareykanka .

Ugu dambeyn, Ciidamada Itoobiya ee AMISOM iyo kuwa Dowladda Somalia ayaa weli ku sugan Degmada Diinsoor ee Gobalka Bay, inkastoo ay ka baxeen Ufurow oo horay ay ula wareegeen ciidamadaas.

 

Wariye Abuu Maxfuud

COMMENTS
LINKS