DAAWO;Madaxweyne Barack Obama oo Maanta Khudbo ka jeediyay Xarunta Midowga Afrika | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;Madaxweyne Barack Obama oo Maanta Khudbo ka jeediyay Xarunta Midowga Afrika
July 28, 2015 - Written by Editor:

ADIS ABABA (Wajaalenews) — Madaxweynaha Mareykanka oo booqasho ku jooga Itoobiya ayaa maanta khudbad dhinacyo badan ka hadlaysay ka jeediyay Xarunta Ururka Midowga Afrika ee Addis Ababa, iyadoo noqonaysa khudbaddii ugu horreysay oo uu ka jeediyo Midowga Afrika Madaxweyne Mareykan ah oo xilka haya.

Khudbadda Madaxweyne Obama uu u Jeediyay 54-ka dal ee Xubnaha ka ah Midowga Afrika ayaa waxay taabanaysay arrimo ay ka mid yihiin Ammaanka Afrika, dhaqaalaha, musuq-maasuqa, xuquuqda aadanaha, dimuqraadiyadda iyo la dagaalanka argagaxisada.

Obama_AU_Khudbad_Maanta 3 Obama_AU_Khudbad_Maanta (1)

Guddoomiyaha Gudiga Ururka Midowga Afrika, Nkosazana Dlamini-Zuma oo soo Dhaweynaysay Madaxweynaha Mareykanka ayaa waxay ku Tilmaantay Barack Obama Wiil Afrika sheegato, iyadoo xusta xiriirka Taariikhiga ah ee ka dhexeeya Mareykanka iyo Afrika.

“Afrika iyo Mareyanka waxaa ka dhexeeya lafo xoogan oo taariikhi ah, kuwaasoo ku dhashay dhiigga iyo dhididka wiilasha iyo gabdhaha Afrika. Kuwa ka gudbay Badda Atlantic-ga oo xooggooda geliyay beeraha iyo dhismaha magaalooyinka Mareykanka, taasoo ahayd middii Mareykanka ka dhigtay inuu noqdo Waddan u awood weyn sida uu maanta yahay,” ayay tiri Dlamini-Zuma.

 

COMMENTS
LINKS