|
|||||
WAJAALE NEWS
DAAWO;Madaxweynaha oo Qaabiley Wasiir ka Socda Dawlada Ingiriiska iyo Heshiis ay kala saxeexdeen Somaliland iyo Ingiriisku.
July 24, 2015 - Written by Editor:Hargaysa:(Wajaalenews)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu xafiiskiisa ku qaabiley wefti uu hogaaminaayo Wasiirka Dawlada ingiriiska u qaabilsan xidhiidhka horumarinta caalamiga ah Min. Grant Shapps, oo ay wehelinayso safiirka Somaliland iyo Somaliya u qaabilsan Ingiriiska fadhigeeduna yahay Adis-ababa. Amb. Harriet Mathews. https://youtu.be/Vgd6bcHZGBQ Kulankan oo ahaa mid lagaga wada hadlay xidhiidhka qotada dheer ee u dhexeeya Somaliland iyo Ingiriiska ayaa lagu soo qaaday xidhiidhka wada shaqayneed ee dhinacyada nabadgelyada mandaqada geeska afrika, xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee labada dalka ka dhexeeya. Iyada oo markii danbena la kala saxeexday heshiis la xidhiidha kaalmada ingiriisku ka geysto sanduuqa horumarinta Somaliland ee loo soo gaabiyo SDF, iyo Mashaariico horleh oo ay ka mid yihiin biyo gelinta dalka, Laydka iyo tamarta. Waxaana heshiiskan labada dal u metelaayey wasiirada Arrimaha Dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo wasiirka Ingiriiska u qaabilsan xidhiidhka horumarinta caalamiga. Related posts:DAAWO;-Maxkamada Gobolka Gabiley Oo Xukun Ku Riday 13 Eedaysane Oo Lagu Qabtay Qaad Gaadiidkoodiina ... Wefti Ka Socda Dawladda Emaaraadka Carabta Oo Dalka Yimid, Booqashana Ku Tagay Suuqa Waaheen Oo Dha... Madaxweynaha Dalka Djibouti Oo Soo Bandhigay Halka Uu Salka Ku Hayo Khilaafka Udhaxeeya Shirkadda D... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|