DAAWO; fadeexada ka Dhalatay Safarkii Madaxwayne Siilaanyo Iyo Xafiisyadii Dawlada Oo Wada Haawanaya +Tirada Wasiirada La socda. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO; fadeexada ka Dhalatay Safarkii Madaxwayne Siilaanyo Iyo Xafiisyadii Dawlada Oo Wada Haawanaya +Tirada Wasiirada La socda.
July 27, 2015 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) ,:Inta badan xafiisyadda wasaaradaha ayaa  haawanayey ka dib markii intoodda badan wasiiraddii raaceen weftigiii madaxweynuhu ku tagay gobolada Bari.

wafti xukuumada waftiga xukuumada 10 waftiga xukuumada 1

Sidoo kale, weftiga madaxweynaha waxa safarkiisa ku wehelinayey shaqaalaha iyo maamulkii madaxtooyadda, kuwaas oo soo cidleeyey madaxtooyada, isla markana lagaga tagay madaxweyne ku xigeenka oo kaliya.

Inta badan marka madaxweynuhu safar ku baxo gobolada waxa gabi ahaanka garab yaaca wasiiradda, kuwaas oo shaqooyinkii ay umadda u hayaan ku dayaca, isla markaana kaliya ka hela uun inay weftiga madaxweynaha ka mid yihiin.

Sidoo kale, xubnaha kooban ee wasiirada ka hadha inta uu maqan yahay kama soo xaadiraan xafiisyadoodda, halka maalmahaasi jaanis ay ku barkimo dheeraystaan helaan agaasimeyaaasha wasaaradda oo haddii wasiirku maqan yahay aan kaba soo xaadirin xafiisyadoodda.

KK3 KK2

Dhinaca kale, wasiiradan madaxweynaha la socda ayaa u muuqda qaar ku tartamaya ag fadhiga madaxweynaha, kuwaas oo kala hororsanaya meelaha madaxweynuhu fadhiyo in laga dhex arko.

wafiga xukuumada 3 waftiga xukuumada 4 waftiga xukuumada 6 wafiga xukuumada 8

Golaha wasiirada madaxweyne Siilaanyo ayaa tiradoodu dhaaftay kontomeeyo, taas oo ka hor imanaysa ballanqaadkii uu wakhtigii mucaaradka ahaa shacabka u sheegay inuu dhisi doonno dawlad tiro yar.

Si kastaba ha ahaatee, xukuumada madaxweyne Siilaanyo ayaa maanta kaga beegan tahay wakhtigii kursiga loo dhaariyey, isla markaana uu kala wareegay madaxweyne Rayaale, taas oo marka dib u milicsato ballanqaadyaddii uu shacabka u sheegi jiray iyo wixii ka fulay kaaf iyo kala dheeri tahay.

Madaxwaynaha somaliland mudane axmed s

1; Wasiirka arimaha gudaha

2; wasiirka arimaha dibada

3; wasirka caafimaadka

4; wasiirkamadaxtooyada,

5; agaasimaha madaxtooyada,

6; dhamaan shaqaalaha madaxtooyada

7; Wasiirka hawlaha guud

8; Wasiirka maaliyada

9;Wasiiruldawlaha maaliyada

10; Wasiirka warfaafinta

11; Safiirka somaliland u fadhiya emarate ka

12; Wasiirkuxigeenka xanaanada xoolaha

13; Taliyaha ciidanka booliska

14; Taliyaha ciidanka qaranka

15; Gudoomiyaha xisbiga kulmiye

16; Lataliyaha madaxwayanaha ee Arimaha warbaahinta

17; Gudoomiyekuxigeenka labaad ee golaha wakilada

Afhayeenka madaxwayanaha

wasiirka waxbarashada

 

iyo xubno kale oo muhiima

waxa kale oo intaa dheer xubanaha xilsugayaasha ah ee la socda waftiga

gaadiidka ayaa kor udhaafaya 60 gaadhi shidaalka ay istcimaalayaan

iyo guud ahaan hantida ku baxay safarkan ayaa wax wayn ka qaban lahayd abaaraha ba,an ee ka jira qaybo kamida gololada somaliland gaar ahaan gabiley oo meesha dakhiga dalka ugu badan kasoo baxo

WAJAALENEWS

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

 

 

COMMENTS
LINKS