CUSMAAN Bin CAFAAN (Amiirkii Mu’miniinta)……..Qaybtii 2aad | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
CUSMAAN Bin CAFAAN (Amiirkii Mu’miniinta)……..Qaybtii 2aad
July 12, 2015 - Written by Editor:

hargeisa(wajaalenews)-Sababta uu Rasuulku(scw) ugu guuriyey Ruqiya Cusmaan waxa ay ahayd in markii hore uu labadiisa gabdhood ee Ruqiya iyo Ummu kalsuum uu u kala guurieyey labadii wiil ee adeerkii Abuu lahab kuwaasoo ahaa Cutbah oo uu uguurieyey Ruqiya iyo Cuteybah oo uu u guurieye Ummu kalsuum.

Markiii Rasuulk(scw) lasoo diray oo ay colaadiyeen shisheeye iyo skokeeyaba Abuu lahab wuxuu kamid ahaa dadkii colaadiyey wuxuuna ahaa mid ka mida adeeradii Rasuulku(scw) in kastoo uu ahaa midkii ugu kharka darnaa wuxuu Rasuulku(scw) ku colaadiyeyy nooc waliba oo colaadda ka mid ah hadddii ay noqon lahayd goyn Rixim iyo gamashleyn intaba uu ku sameeyey marka uu Rasuulku(scw) dadka uu dacwada ugu yeedhayo ayuu inta uu xaga hore ka maro ayuu dadka ku odhan jiray waa nin walaaln waa saaxir iyo kelmado la mid ah ee waxba ha ka dhegaysanina oo uu dadka ka didin jirey.

Arinta ugu foosha xun ee uu Abuu lahab ku sameeyey Rasuulk(scw) ayaa waxa ahayd inuu labadiiisa wiil ku yidhi;- haddeydaan Muxammed gabdhiisa u frin wejigiinnu wejigeygu waa ka xaaraaan waxay gaadhay heerkaas colaadddiii u abuu lahab ku hayey Rasuulka(scw) waxaana ku taageertay colaaddaas fooosha xun afadiisiii il khayr ma saartada ahayd ee Ummu Jamiil Arwaaa bint Xarbi bin Umaya.

Markaasbuu Rasuulka(scw) u guurieyey Cusmaab bin Cafaan gabadhaasiiisii Ruqiya bint Rasuulilaaah ayey iyadu ula hijrootay hijradii dhulka Xabadhida ee koowaad sanadkii 5aad ee Nebinnimada waxayna ahaayeeen ahlu beydkii ugu horeyey ee hijrood ka dib Nebi Ibraahim(cw) iyo Nabi Luud siduu Rasuulku(scw) yidhi markii ay hijroonayeen wuxuu mar kale u hijrooday Cusmaan bin Cafaan dhulka Xabashida isagoo ay la socto afadiiisii Ruqayah bint Muxamedd(scw) wuxuuna ahaa amiirkii kooxdii muhaajiriinta ee dhulka xabadhida u hijrootay laba jeer kuwaasoo uu afhayeen u ahaa jacfar bin Abii Daalib.

Midna (cutbh iyo cuteybah) lama aanu aqal galin gabdhahii Rasuulka(scw) oo intaanay la aqal gelin buu Alle sarreeye soo dejieyey Suuraddda Masad oo cadaab iyo hoog ugu bushaarnyesay Abuu laha iyo ooridiisii afka dheereydd ee Ummu Jamiil bint Xarbi tanna waxay ahayd karaama iyo sharfid uu Alle ku sharfayey qoyskii reer Muxamemed(scw) wuxuuna markaa Rasuulku(scw) u guuriey gabdhiisii Ruqayah mid khayr badan Cutbah bin Abii lahab waxay Ruqaya Cusmaan u dhsahy wiiil loo baxshay C/laahi kaasoo ka geeriyaaday isagoo lix jir ah waxaana isha ku dhutay dig oo dabeeta ay barartay ilaa uu markii dambe ka geeryooday bishii Jamaaadul Awal sanadkii 4aad hijriyada Rasuulku(scw) baan ku tukaday waxaana qabrig dhigay aabhii Cusmaan bin Cafan.

Ummu kalthum iyadu waxay la joogtay aabaheed jeer ay Ruqaya dhimatay kadib dhacadii Beder markaasuu buu Rasuulku(scw) Cusmaan ugu guuriyey Ummu kalsuum bint Rasulilaaha(scw) tasoo iyana ka geryootay sanadkii 9aad ee hijriyada wuxuuna markaa Rasuulku(scw) yidhi:- Hadii ay gabadh kale ii joogi lahayd waan kuu guuran lahaa…………………..

 

Hargeisa Office

Wariye Abuu Maxfuud

COMMENTS
LINKS