|
|||||
WAJAALE NEWS
Burburinta Saxaafada Xorta Ah Ee Ay Xukuumada Kulmiye Ku Hayso Iyo Doorka Ay Ku Leeyihiin Baashe Cawil Iyo Xasan xiis Liqe
July 29, 2015 - Written by Editor:Dagaalkii dhinaca Saxaafada ee ay wadeen Baashe Cawil Moorgan Yare iyo Cabqariga Saxaafada loo haysato Xasan Xiis Liqe ayaa markii ay ku Guuleysteen iney in badan oo ka mida Wargeysyada iyo Tilifayshanada (TV). ay Gacanta ku dhigeen waxay Olole kale ku qaadeen Warbaahinta loo yaqaan (Websites) oo Runtii ahaa meelaha qudha ee lagu tilmaamo ama lagu iftiimiyo dhibaatooyinka iyo dibin daabyada uu Kacaan Beeleedka Axmed Siilaanyo Dalka Ka wado, Warar ayaa sheegay inuu wada hadal u socdo kuwa uugu Afka dheer (websaydyada).sida Hadhwanaagnews, Qarannews, Wajaalenews, Kuwa kalena ay ku socdaan sida la sheegey waxay u dhawdahay Hadhwanaagnews iney heshiiyaan si kastaba ha ahaatee Kacaan Beeleedka Axmed Siilaanyo talaabadii ugu horeysey ayaa ahayd inuu Gacanta ku dhigo Saxaafada madaxa banaan si aaney u helin war dhaba iyo waxa jira runtiina waxa la odhan karaa intii badneyd wey ku guuleysteen Baashe Cawil iyo Xasan Xiis Liqe
Qore: Cali Cismaan Libaax ( Mujaahid Cali Xaraaro) COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|