|
|||||
WAJAALE NEWS
Bulsho Waynta Gobolka Gabiley Oo La filayo In Ay Jawaab Adag Ka Bixiyaan Jidh Dilka Loogu Gaystay Xildhibaan Xasan Cawaale Aqalka Modaxtooyada s/land
July 3, 2015 - Written by Editor:GABILEY(Wajaalenews) Dadwayanaha reer Somaliland ayay fajac iyo amakaag ku noqotay kadib markii ay dibada usoo baxday gaaraacis iyo jidh dil Ciidanka Ilaalada Aqalka Madaxtooyada dhexdeeda ugu gaysteen Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ah mudane laga soo doortay Gobolka Maroodijeex kana tirsan XIsbiga talada haya ee kulmiye dhacdadan oo shalay ka dhexdhacay aqalka looga arimiyo Somaliland ayaa abuurtay dareeno kala duwan iyadoo bulshada ku noqotay arin uguba Xukuumada Siilaanyo ayaan ka hadal arintaa Xildhibaanka lagula kacay iyadoo xaalada Caafimaad ee Xildhibaan Xasan Cawaale lagula tacaalayo Cisbitaal kuwa gaarka loo leeyahay oo ku yaala Xaafada Xero Awr ee Magaalada Hargaysa Dhaqdhaqaaqyo xoogan oo lagaga soo horjeedo falkaa foosha xun ee lagula kacay Xildhibaan Xasan Cawaale ayaa laga dareemayaa guud ahaan Gobolka Gabiley taasi oo lafilayo in bulshadu kaga jawaabaan dareeno cadho leh sobobina kara xaalado kakan Xukuumada ayaa wali ka hadal oo ka gaabsatay falkaa ka dhexdhacay Madaxtooyada Somaliland ismarkaana aan wali cid xukumada ka socotaa aanay soo buuqan dhaawaca Xildhibaanka oo aad u culus. Dhanka kale Gudoomiyaha Golaha Wakiilada iyo Xildhibaan Siciid Cilimi Rooble iyo Xildhiban Tukaale ayaa ku buuqday Cusbitaalka kuwaasi oo dhamantood ku tilmaamay arin aan loo dulqaadan karin in Xildhibaan bulshada soo dooratay oo xasaanadle sidaa loola dhaqmo iyagoo xukuumada ugu baaqayn in 24saacadood gudahood ku keenaan eedaysanaha gacanta u qaatay Xildhibaanka hadii ay arintaa wax kaga qaban waayaan in Golaha Wakiilada ay hor keeni doonaan Mooshin ka dhan ah Xilgudashada Madaxwayne Siilaanyo Ugu danbayn waxaan ka dhursugaynaa halka ay Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo dhigi doonto garaacista iyo jidh dilka loo gaystay xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan. Sikastaba ha ahaatee dhacdan dan ayaa noqonaysa mid xukuumada siilaanyo ugu quusgaynayso bulshada reer gabiley iyadoo muujinaysa sida aan looga rabin qasriga madaxtooyada xubnaha reer gabiley ee xidhiidhka lalahaa qasrigana sidaa loogu dhexbahdili doono
WAJAALENEWS DESK GABILEY OFFICE WARIYE CABDIQADIR CABDIRAXMAAN EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|