Baryo Ruux Kunoolaa Berri Soo Noqo by: cabdalle ciise xassan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Baryo Ruux Kunoolaa Berri Soo Noqo by: cabdalle ciise xassan
July 11, 2015 - Written by Editor:

Waxa uu ahaa wiil dhallinyaro ah kana mida ardayda waxkabaratay dalka gudihiisa,run ahaantii caan wuxuu ku,ahaa samaha, wuxuu deeqsi ku,ahaa hadalka intiisa fiican, dhabcaalna kamuu ahayn waddaniyadda,wadajirka,dad jacaylka iyo dal jacaylka.

kou

Kamuu mid ahayn dhallinyarta ka niyad jabtay nolosha,kana dhursugaysa uun waqtiga iyo xilliga.

Balse wuxuu ahaa mid ku kalsoon shaqsiyadiisa,aqoontiisa iyo kartidiisa, wuxuu sidoo kale aaminsanaa wuxuu calafku siinayo sinniba aanuu uwaayayn.

Saddex sanno kahor ayuu kamid ahaa ardayda ka qalinjabisay jaamacadaha dalka.

Badi wuxuu jeclaa inuu aqoontiisa kushaqaysto kana xoroobo qabyaalad,laaluush iyo wax kasta oo wax udhimi kara haybadda qof waxbartay oo aqoonyahana.

Badi fagaarayaasha iyo golayaasha dhallinyaradu ku kulanto dooduhuu kajeedin jiray waxa ka kaw ah: sidee dhallinyaradu wax uqabsan kartaa, sideebaynu dalkeena ku horumarin karnaa , sidee loo heli karaa midnimo iyo wadajir bulshada dhexdeeda ah.

 

Waxaanuu intaasoo dhan samayn jiray isaga oo aan shaqo hayn  dadkuna uyaqaaneen bilaa camal, subax kasta shaqo raadinta kamuu caajisi jirin, wuxuu ahaa mid meel kasta oo shaqo loogu sheego taga.

 

Wuxuu badanaa curiyaa afkaaro badan oo dalka iyo dadkaba horumar uleh waxa uu isku dayay inuu abuuro ganacsi yar, waxaase usuuro galin wayday wax la,aanta iyo dhaqaalo la,aanta.

Wuxuu aaminay inay aqoontiisu kasarrayso afmiishaarnimo iyo isirnimo,

 

Balse intaasoo dhan wuu ku hungoobay.

 

Masuul kasta, wasiir kasta, iyo wasaaradda kastaa oo uu ugalo waxaa loo soo qaddimaa maanay odayaal kuwadin.

Kahor inta aan cilmiga lawaydiin caaqilkaa lawaydiiyaa, inta aan aqoontiisa lawaydiin isirkiisaa lawaydiiyaa.

Waxa uu sidaa kunoolaa muddo saddex sanno ah, waxa ku dhacay amakaag, layaab, quus iyo rajadii uu waddanka ka qabay oo daciiftay.

Masuul kastaa wuxuu si dhayal ku jirto ugu yidhaahadaa waynu isla eegi doonaa, waynu isku iman doonaa, waa inoo berri.

kaba sii darane subax kasta askartu waxa ay ku tidhaahdaa berri soo noqo, waxa uu wiilkani noqday ruux kunool baryo soo noqo.

Wiil kani wuxuu ku barbaaray waayo adag, waxaanu wax ku bartay waqti adag.

 

Wiil kan waxa wax soo bartay oo ku soo tabacday hooyadii oo wax caruura kaligii dhashay, waxaanay lacagta waxbarashada uga soosaari jirtay yaanyo ama tamaandho ay suuqa ku iibin jirtay.

 

Waxay waxbarashadiisa lasoo martay waayo iyo waqti aad u adag.

Waxaana ay ka dhursugaysay shaqada uu qaban doono markuu waxbarashada dhameeyo.

Laakiin nasiib darro may noqon sidaa.

wiilkii aadbuu ufikiray waxaana markasta maskaxdiisa  ku soo noqnoqonaayay waayihii adkaa ee ay hooyadii lasoo martay iyo ayadoo imika duqawday awoodna uyeelan wayday  inay suuqa sii fadhido, waxaanay ka dhursugtaa inankeeda si ay wuxuu soo helo dabka usaartaan.

Waqtigan adag ay hooyadii ku sugantahay iyo xaaladda dalka ayaa tahriibisay wiilkii.

Hooyadii ayaa is hayn kari wayday waxaanay wiilkii kaga furfurtay magafihii haystay jago yar oo ay daganayd, waxaanay noqotay hoy la,aan.

 

Habeen habeenada kamida ayaa waxaa hooyadii kusoo dhacay talefoon waxaana loo sheegay in wiilkeedii laqarqoontay doonidii uu saarnaa baddana ku geeriyooday.

Naxdin iyo walbahaar ayaa ku dhacay hooyadii waxaana ku dhuftay dhiikar dhakhtarka loo dhigay, maalin kadib ayaa ay geeriyootay hooyadii,

Inaalilaahi wa inaa ilahayhi raajicuun

Geeridu waa xaq.

Haddaba qoyskaa dhan ee baaba,ay yaa ka masuula?

Sidee ayay unool yihiin masuuliyiintii iyo wasiiradii ku khasbay wiilku inuu tahriibo?

Tani waa mid kamida waxqabadka dawladdan ee shacabka ka qarsoon.

Xaaladda dalku maanta waa sidee?

Halkay maraysaa heerka shaqo la,aanta dalku?

Maxaa sababay inay tahriibaan da,yartii iyo danyartii?

Jawaabta su,aalahan xukuumaddan ayay shacabku uga fadhiyaan.

 

GUUL IYO GOBONIMO

Cabdalle  ciise xassan

email: cabdale.net@hotmail.com

COMMENTS
LINKS