Barnaamijkii LA’ AFUR WADDANI oo Ka Bilaabay Gobalka Gabiley, Deeq Raashin Ahna Guddoonsiiyey 82 Qoys oo Danyar Ah. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Barnaamijkii LA’ AFUR WADDANI oo Ka Bilaabay Gobalka Gabiley, Deeq Raashin Ahna Guddoonsiiyey 82 Qoys oo Danyar Ah.
July 14, 2015 - Written by Editor:

Gabiley(wajaalenews)-Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo muddooyinkan goballada dalka ka waday barnaamijka LA’ AFUR WADDANI, ayaa 82 qof oo danyar ah isla-mar-ahaantaana ku nool magaalada Gabiley ee xarunta gobalka Gabiley ku guddoonsiiyey deeq raashin ah.

Deeqdan raashinka ah oo isagu jirta Bariis, Saliid iyo Timir , ayaa waxaa munaasibad kooban oo loo qabtay guddoonsiintii dadkan danyarta ah laguna qabtay xarunta gobalka Gabiley ee xisbiga Waddani ka soo qeyb-galay guddoomiyaha gobalka Gabiley ee xisbiga Waddani Axmed Cabdilaahi, madaxa qeybinta mashruucan ee loo soo wakiishay Marwo: Layla Muuse Qulumbe, xubno kale oo ka socday qurbo-joogta iyo mas’uuliyiin kale oo aad u tira badan.

Guddoomiyaha gobalka Gabiley ee xisbiga Waddani oo ugu horeyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay ka gobal ahaan ay aad ugu faraxsan yihiin in maanta 82 qof oo masaakiin ah loo qeybiyo raashin, waxaana uu sida oo kale carabka ku dhuftay in dadkii jeebkooda ka soo saaray deeqdan caawinta ah ee la siinaayo dadka danyarta ah Ilaahay uu ugu bedelo wax khayr qabta, isaga oo dhanka kalena iftiimiyey sida xisbiga Waddani ay uga go’an tahay in uu mar walba barbar istaago dadka danyarta ah ee ku nool Somaliland.

“Sidoo kale waxaan halkan si mug weyn aan uga mahad celinayaa qurba-joogta kala duwan ee bisha barakeysan ee Ramadaan gartay in ay soo xasuustaan walaalahooda baahan ee masaakiinta ah, waxaa kale oo aanu aad ugu mahad celinaynaa dhammaanba ciddii ka qeyb-qaadatay siddii ay hawshani u fuli lahayd, annagu ka reer Gabiley ahaan waanu idinka guddoonay deeqdaas raashinka”.

Maxamuud oo ka mid ahaa qurba-joogtii muxsiniinta ahaa ee ka soo qeyb-qaatay taburacaadkan lagu afurinaayo dadka masaakiinta ah, oo isna hadal kooban halkaas ka jeediyey, ayaa ku waxaa uu ugu horeyn uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in deeqdii ay soo bixiyeen ay sidii la rabay u gaadhay dadkii ay u soo qorsheeyeen.

w7

“Halkan waxaa aanu idin ku guddoonsiinaynaa wax yar oo ay walaalahiina Waddani ee Qurba-joogta ahi ay idiin garteen oo la yidhaahdo mashruuc loo bixiyey La’ afur Waddani, mashruucaas oo markii hore uu soo ikhtiraacay mid ka mid ah walaaladeena qurba-joogta ah oo la yidhaahdo Anwar oo ku nool wadanka Canada, markii danbena loo soo xil saaray walaasheen Layla Muuse Qulumbe si ay wadanka uga fuliso oo runtiina ah barnaamij meelo badan hada ka soo hir-galay hadana aanu maanta u joogno qeybtii loogu talo galay in aanu guddoonsiino dadka danyarta ah eek u nool magaalada Gabiley. Deeqdani maaha waxa ay hay’ad ama urur bixiyey, maaha wax khasnad dawladeed laga soo saaray waa wax ay dadka walaalaha ah ee Waddaani ay jeebkooda idiinka soo hureen in ay idin kula wadaagaan bisha Ramadaan, maahana markii ugu horeysay se haddii Alleh idmo marar kale oo badana waa ay iman doonta Insha Allah.”.Ayuu yidhi Md.Maxamuud

Md.Faysal oo isna halkaas ka hadlay, ayaa dhankiisa waxaa uu tilmaamay in ay barnaamijkani ay ka qurbo-joog ahaan qiimo badan u leeyahay, isaga oo xusay in aan barnaamijkani noqon doonin kii ugu danbeeyey uguna horeeyey balse ay keeni doonaan barnaamijyo kale oo wax lagu taraayo dadka masaakiinta ah ee danyarta u badan.

 

w2

Mid ka mid ah dadkii halkaa lagu guddoonsiiyey deeqda ayaa isna dhankiisa si aada uga mahad celiyey deeqdan, waxaana uu tilmaamay in xisbiga Waddani uu yahay xisbiga qudha ee si naxariisi ku jirto u dareemaya dhibta haysata dadka danyarta ah, isaga oo Ilaahay uga baryey dadkii deeqdan soo bixiyey in uu miisaanka xasanaadka ugu darro.

w6w4w2w1

Hargeisa Office

Wariye Abuu Maxfuud

 

COMMENTS
LINKS