|
|||||
WAJAALE NEWS
“Badhasaab Ramaax oo Sheegay 21-Ka Hay’addood Ee Dawladda Halkan Ka Jooga 15 Ka Mid Ahi In Aanay Shaqayn …. Wasiir Kastow Maqal.”
July 20, 2015 - Written by Editor:Boorama(wajaalenews)-Badhasaabka gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan(Ramaax), ayaa sheegay in xafiisyada wasaaradaha dawladda ee gobolka Awdal yihiin kuwo fadhiid ah. Waxa uu sheegay in Maxkamadda, Dhakhtarka iyo meelo badan oo kale yihiin kuwo aan shaqayn, sidaas darteedna uu madaxweynaha gaadhsiinayo haddii wasiiradu wax ka qaban waayaan. “21-ka hay’addood ee dawladda halkan ka jooga 15 ka mid ahi waa fadhiid, waxba idiin qarin maayo waanay maqlayaan isuduwayaashaydii. Dhakhtarkii baa fadhiya, Maxakamadii baa xun, beerihii baa xun, xannaanadii xoolaha ayaa xun, waxaa fadhiya hawlo badan oo gobolka laga qaban lahaa” ayuu yidhi Mr Ramaax. Waxa uu sheegay inuu kormeeri doono xarumaha dawladda “Wasaarad iyo wasaarad baan u galayaa oo igu Wallaahi ah, waxaan ballan qaadayaa in haddii wasiirku bedeli waayo inaan Saxaafadda kaga hadlayo, inaan madaxweynaha kala hadlayo oo aan gaadhsiinayo. Marka dhakhtarkii Boorama xidhan yahay ee Masuuliyiinteedii oo dhammi joogaan ee wasaaraddii caafimaadku joogto.. Waar shaqada iyo xilka uu dadka u hayo qofku haddaanu u gudanayn siday tahay ha u baneeyo qof u qabanayaa ha u yimaadee. Wasiir kastow maqal, masuulkasta oo Hargeysa jooga Oow maqal, midkasta oo qabiil ku shaqaynayow maqal, waa inuu gobolkani ka baxaa meelaha fadhiidka ah oo qof walba oo masuul ahi shaqadiisii gutaa, haddaanu gudanayn ha soo codsado ruqsad cid soo buuxisa ayaanu keeniye” ayuu yidhi Mr Ramaax. Hadalkan Badhasaabka ayaa la filayaa hadduu hir galo inuu wax ka bedelo dhibaato ka jirta dhinaca maamul daadejinta, islamarkaana bulshada Awdal hesho adeegyada hay’addaha dawladdu hadda gabeen ee ay bulshada u qaban lahaayeen.
Related posts:“Somaliland Waxad Moodaa In Aan Si Dhab Ah Ilaa Hadda Loo Waajihin, Ka Hortagga COVID-19”Siyaasi Cal... Daawo:Waftigii Madaxweynaha Somaliland Oo Ku Soo Laabtay Magaalada Hargaysa Iyo Af Hayeenka Madaxtoo... Kulan Lagaga Hadlayey Dhismaha Rugta Qaran Ee Buugaagta Oo shalay Lagu Qabtay Magaalada Hargeysa+Sa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|