|
|||||
WAJAALE NEWS
Axkaamta Soomka
July 9, 2015 - Written by Wariye:Wuxuu yidhi (Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye):-“Ma heli kartaa wax aad cunsiiso lixdan miskiin?”. Wuxuu yidhi ninkii:-Maya Waxa jabiya ee dib ka gudis iyo kafaara gudba waajibiya Waxa jabiya ee waajibiya dib ka gudis iyo kafaara gudba waxa ay culimadu isku raacsan yihiin inuu yahay u galmooshada ninku xaasikiisa u galmooda maalinimada Soonka. Abii Hurayra Ilaahay ha ka raalli ahaadee waxaa laga wariyay inuu yidhi:- Nin baa u yimid Nabiga naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye, markaasuu yidha:- Rasuulkii Ilaahayow waan halaagsamay, markaasuu yidhi(Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye):-” Oo maxaa ku halaajiyay”, markaasuu ninkii yidhi:- Xaaskaygii baan u galmooday maalin Ramadaan. Markaasuu yidhi(Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye):-“Ma haysataa wax aad qoor ku xorayso?”. Nninkii wuxuu yidhi:-Maya. Wuxuu yidhi(Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye):-“Ma kari kartaa inaad Soonto labo bilood oo isku xiga”. Wuxu yidhi ninkii:-Maya. Wuxuu yidhi (Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye):-“Ma heli kartaa wax aad cunsiiso lixdan miskiin?”. Wuxuu yidhi ninkii:-Maya. Abuu Hurayra wuxuu yidhi waxyar markii uu fadhiyay ayaa Nabiga naxariis iyo nabdgalyo Eebbe korkiisa ahaataye loo keenay laan timir ku taallo , markaasuu ninkii ku yidhi:-“Sadaqayso tan(timirtan)”. Markaasuu ninkii yidhi:-Ma cid naga faqiirsan baa jirta? Ma qolo ku nool labada daafood ee Madiina oo nooga baahi badan baa jirta?. Markaasuu Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu qoslay ilaa gawsihiisu ay muuqdeen kuna yidhi ninkii:-“Tagoo cunsii reerkaaga” Kooxdaa warisay. Sida ay culimadu u badan yihiin labada qof ee ninka iyo naagtu way ka siman yihiin dib ka gudista iyo kafaara gudkaba hadday labadooduba u kasaan inay isku tagaan maalinimada Ramadaan. Haddiise ay isku tagaan iyagoo illawsan, amaba lagu qasbo wax kaffaara gud ah oo saarani ma jirto. Haddiise uu ninku naagta ku qasbo, amaba ay duruufo jira darteed u afurnayd kafaara gudku isaga ayay dushiisa tahay. Shaaficiyaduse waxay qabtaa inaan kafaaro gud waajib ku ahayn qofka dumarka ah haddii uu qasbo iyo haddii ay raalli ku ahaydba. Guditaanka qofkii Soonku dhaafo Guditaanka qofkii uu Soonku dhaafo waajib maaha inuu isla marka uu Soonku dhammaadaba horay ka gudo, balse wuxuu gudi karaa marka uu doono, ayaamihii ka tagay iyagoo xidhiidh ah ama iyagoo kala goongooni ahba. Eebbe korree oo nasahnaaye wuxuu yidhi:-“Kii buka ama safar ku jira waa tiro ayaamo kale (inuu Soomo)”, Aayaddaas oo aynu ka dhadhasan karro in qofkii uu Soonku kaga tagay xanuun amaba safarba inuu Soomo ayaamo u dhigma intii ka tagtay iyagoo isku xidhiidha amaba aan xidhiidh ahaynba. Ina Cumar waxaa laga wariyay inuu yidhi:-Nabigii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi isagoo ka hadlaya dib ka gudista Soonka:-” Haddii uu doono wuu qayb qaybinyaa, haddii uu doonana wuu xidhiidhin karaa” Waxaa wariyay Addaarqudni. Sida hooyadii Mu”miniinta Caa”isha ka sugnaatayna waxay gudi jirtay Soonkii ka tagay bisha Shacbaan ee sannadka dambe, isla marka Soonku dhammaadana horay kamay bilaabi jirin. Haddii isagoon qofku gudin Soonkii ay bishii Ramadaan ee kale u soo gasho kan jooga ayuu Soomayaa wax kafaara gud ahina dushiisa maaha dib u dhiggaasi ha ahaado mid cudur daar leh amaba cudur daar yaanu lahaanine.Haddiise isagoo qofku lagu leeyahay Soon ka tagay uu dhinto sida ay culimada badankoodu qabaan dhaxlihiisa (cidda ugu dhaw ee dhaxashay) ayaa maalin kasta oo ka tagtay ka bixinaya dhuub cunto ah oo ay masaakiinta siinayaan. Hase yeeshee culimo ayaa qabta in uu qofka dhaxlay qofkii dhintay ee Soonka lagu lahaa uu ka Soomi karo iyagoo markhaati u soo qaadanaya Xadiisyo Rasuulka naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye laga soo wariyay oo qeexaya in ay qofka dhintay qaraabadiisu ka Soomi karaan intii maalmood ee ka tagtay, sida Xadiis ay Caa”isha Ilaahay ha ka raalli ahaadee ay soo warisay in Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-“Qofkii dhinta isagoo lagu leeyahay Soon,Dhaxlihiisa(waligiisa) ayaa ka Sooma” Axmed iyo labada Sheekh ayaa wariyay, Bassaarna wuxuu ku daray:-“Haddii uu doono”.IYo Xadiiskii kale ee ay Axmed iyo Asxaabta Sunantu ka wariyeen Ina Cabbaas Ilaahay isaga iyo aabihiiba ha ka raalli ahaadee in uu nin u yimid Nabiga naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uuna ku yidhi:- Rasuulkii Ilaahayow (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye) hooyaday ayaa dhimatay iyadoo bil Soon ah lagu lahaa ee ma ka gudi karaa?. Markaasuu yidhi(Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye):-“Haddii uu ahaan lahaa hooyadaa dusheeda Dayn, ma ka gudi lahayd?”, markaasuu ninkii yidhi:-Haa. Markaasuu yidhi(Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye):-“Markaa Daynta Ilaahay ayaa ugu xaq leh in la gudo”. Imaam Nawawi naxariista Ilaahay dushiisa ha ahaatee wuxuu yidhi:-Hadalkaas ayaa saxa oo la doortay , kaasoo aanu aaminsan nahay, ayna saxeen asxaabtayada isku keenay Fiqhiga iyo Xadiisyada, in Xadiisyadaas ay sax yihiin cad yihiin. Dhamaad……………….. Abdifatah Mohamed barre COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|