Askari Madaxa Iska Toogtay Iyo Nuxurka Warqad Uu Qoray Kahor Intii Aanu Is Dilin | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Askari Madaxa Iska Toogtay Iyo Nuxurka Warqad Uu Qoray Kahor Intii Aanu Is Dilin
July 2, 2015 - Written by Editor:

Nairobi:(Wajaalenews)-Askari katirsanaa ciidamada booliiska Dalka Kenya ayaa habeen kahor isku dilay xaafada Embakasi ee magaalada Nairobi ,kadib markii ay ka cadhaysiisay gabadh la sheegay in uu Jeclaa oo muran uu soo kala dhax galay. Askarigan ayaa kahor inta aanu is dilin ku dhaqaaqay dhacdo dad badan argagax ku riday, kadib markii uu weerar ku qaaday guriga ay dagneyd Haweeneyda uu Jeclaa oo la sheegay in ay isaga carartay kahor intii aanu soo weerarin iyada oo ka cabsi qabtay in uu waxyeeleeyo. kenya soldiersWarbaahinta Dalka Kenya ayaa qortay in ninka askariga ah ee is dilay inta aanu falkaasi ku dhaqaaqin uu la kulmay gacalisadiisa ayna wada fadhiisteen goob baar ah, waxaana la sheegay in uu soo kala dhax galay muran iyo is maandhaaf sidaasana ay ku kala tageen. Dadka deegaanka ayaa sheegay in askariga cadhaysni gurigeeda ka raadiyay Gabadha ka cadhaysiisay kadibna uu dhowr xabadood oo rasaas ah ku dhuftay albaabka isagoo doonayay in uu gudaha u galo uuna halkaasi ku dilo. Hase ahaatee markii uu ka waayay guriga ayuu qoray warqad uu ku muujinayay in uu gacantiisa isku dilay, waxaana uu rasaas aan loo meel dayin ku furay xaafada dhexdeeda, taasoo cabsi galisay dadka, isagoo kadibna madaxa iska toogtay. Askarigan oo magaciisa lagu sheegay Antony Kangu, ayaa goor dambe meydkiisa loogu tagay dabaqa 2-aad ee dhismaha uu weeraray, iyadoo warqadii uu qorayna uu ku sheegay in ay dhibaatada uu isku dilay u sababtay haweeneydaasi. Booliska ayaa hada baadhitaanno qota dheer ku haya dhacdadan oo naxdin ku abuurtay dadka deegaanka ee xaafada Nyayo oo ka tirsan Emabakasi, waxa uuna sheegay Taliyaha booliiska Xaafadaasi in ay dhacdadan ka argagxeen ayna baadhayaan.

 

COMMENTS
LINKS