Arsenal Oo Ku Guulaysatay koobka Asia Trophy iyo Petr Cech oo Kula Guuleystay Koobkiisii Koowaad+SAWIRO | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Arsenal Oo Ku Guulaysatay koobka Asia Trophy iyo Petr Cech oo Kula Guuleystay Koobkiisii Koowaad+SAWIRO
July 18, 2015 - Written by Editor:

Hargeisa(wajaalenews)-Arsenal oo labadii sano ee ugu danbeeyey aad moodo in ay sideedii hore dhaanto markaad eegto dhinaca ciyaartiyo iyo waliba suuqa kala iibsiga ciyaartoyada oo la timid waxaan waligeed aan hore looga baran.

Sidoo kale Arsenal ayaa lagu yaqaanay ciyaar wanaag iyadoo sanadihii dhexe aan la iman ciyaar wanaagii lagu yaqaanay ayaad imika moodaa in ay la soo noqotay haybadii ay ku lahayd kubada cagta ayaa waxa ay ku guuleysatay ku guulaysatay koobka  Asia Trophy cupka waxayna Gunners guushan ku gaadhay 3:1 waxaana goolashan ukala dhaliyay ciyaartoyda kala ah Theo Walcott, Santi Cazorla and Mesut Ozil waxaana Everton goolka madiga ah udhaliyay Ross Barkley.

ars b

Ciyaartan finalka koobka Asia Trophy kooxda Everton ayaa waxaa iskaga hor yimaadeen labada kooxood ee Arsenal iyo Everton garoonka oo ay leeyihiin xulka qaranka Singapore waxaana kulankan markii ugu horaysay shaxda Arsenal ku bilawday goolhaye Petr Cech. Arsenal ayaa finalka koobkan soo gaadhay kadib markii ay hore 4:0 ugu soo garaacday Singapore All-Stars halka Everton ay ka soo talaabsatay kooxda Stoke City.

Kooxda Arsene Wenger ayaa kulankan shax adag ku soo galay waantan shaxdii ay Arsenal kulankan kubi laabatay:Cech, Bellerin, Koscielny, Chambers, Gibbs, Ramsey, Cazorla, Wilshere, Ozil, Walcott, Giroud. Waxa kale oo Arsenal kursiga kaydka u fadhiyay ciyaartoyda kala ah:Szczesny, Debuchy, Gabriel, Arteta, Oxlade-Chamberlain, Monreal, Flamini, Coquelin, Akpom, Iwobi.

Garoonka oo qaadkiisu yahay 50,000 kun oo qof ayaa ku dhawaa inuu buux dhaafo, wuxuuna ahaa kulan si wayn garoonka ay u soo buux dhaafiyen jamaahiirta labada kooxood.Jamaahiirta Arsenal ayaa si aan caadi ahayn u soo  dhaweeyay markii garoonka laga sheegay magaca Petr Cech, waxayna ku soo dhaweeyeen qaylo iyo sawaxan si wayn garoonka uga gariiriyay.

ars

Ciyaartan ayaa qaybta hore inta badan ahaa mid ay labada kooxood isku mari waayeen laakiin Arsenal ayaa is mari waaga jabisay daqiiqadii 22 aad markaas oo Theo Walcott kooxdiisa udhaliyay goolka ay hogaanka ciyaarta kula wareegtay. Kubbad uu caawinteeda isla lahaa Santi Cazorla ayuu Walcott kooxdiisa Gunners goolkan ugu dhaliyay daqiiqadii 41aad.

Kooxda Everton u muuqatay inay heshay goolka barbaraha kadib markii uu Arouna Kone si fiican shabaqa u soo taabtay laakiin calanwalaha ayaa goolkan Everton ka diiday waxayna kubbadu ku sii dhacday Gareth Barry. Qaybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay iyada oo Arsenal 1:0 hogaanka ku haysa.

cazola2

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Arsenal sii wadatay qaab ciyaareedkeeda fiican iyada oo markan ay u muuqatay inayba ka ciyaarayso horyaalka Ingiriiska.Daqiiqadii 58 aad ayuu Santi Cazorla kooxdiisa Gunners udhaliyay goolka labaad ee kalsoonida siiyay, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2:0 ay Arsenal hogaanka ku dheeraysatay.

cazola

Sidoo kale Ciyaarta ayaa u muuqatay inay hal dhinac ka socoto waxaana markale Gunners goolka saddexaad daqiiqadii 62 aad udhaliyay Mesut Ozil, wuxuuna markiiba ciyaarta u badalay 3:0 ay Arsenal hogaanka ugu raaxaysanayso. Inkasta oo difaaca Everton uu qaybtii hore ee ciyaarta fiicnaa ayuu qaybta danbe u muuqday in aanu u adkaysan karin culayska ay saartay Arsenal.

evertonars b

Ugu danbayntiina waxa ay kooxda Everton ayaa goolka la timi daqiiqadii 75 aad waxaana waxaana u dhaliyey Ross Barkley markaas oo ay ciyaartu noqotay 3:1 sidaasayna ciyaartii ku dhamaatay koobkiina ay ku qaaday kooxda Arsenal.

Hargeisa Office

Wariye Abuu Maxfuud

 

 

 

COMMENTS
LINKS