Arsenal oo Dadaal Ugu Jirta iney Gacanta Ku Dhigto Xiddig Ka Tirsan Barcelona. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Arsenal oo Dadaal Ugu Jirta iney Gacanta Ku Dhigto Xiddig Ka Tirsan Barcelona.
July 23, 2015 - Written by Editor:

hargeisa(wajaalenews)-Arsene Wenger ayaa doonaya inuu Barcelona kala soo wareeg wax waliba oo ay ku qaadato xiddiga da’da yar ee Sergi Samper.

20 jirkan waxaa uu leeyahay Xirfad aan la rumeysan waana xiddig mustaqbal ifaya leh.

Luis Enrique diyaar uma ahan inuu iibiyo ciyaaryahanka umana hayo haatan boos joogto ah.

Kooxda Premier league ayaa mudo dheer raadin ugu jirta yarkan balse Barcelona ayaa dooneysa kaliya in amaah ay kusiiso kooxaha Yurub si uu ugu soo baxo halkaas.

Heshiiskiisa Barcelona ayaa gaaraya ilaa sanadka 2017.

Hargeisa Office

Wariye Abuu Maxfuud

COMMENTS
LINKS