|
|||||
WAJAALE NEWS
Ambassador Suhuur X Abiib Oo Shaaca Ka Qaaday Inuu Xafiiskeedu Bilaabay Olole Xoogan Oo Ay Ku Doonayso Inuu Xisbigeedu WADDANI Ku Guulaysto Hogaanka Dalka.
July 2, 2015 - Written by Editor:Toronto [Wajaalenews]- Ambassador Suhuur Xasan Abiib, isla markaana ah Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee Waqooyiga Ameerika ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa shaaca ka qaaday inuu Xafiiskeedu bilaabay olole xoogan oo ay ku doonayso, kuna dar-dar-galinayso sidii uu Xisbiga WADDANI ugu guulaysan lahaa hogaanka dalka doorashadda Madaxtooyadda ee la filayo inay dalka ka dhacdo.
Safiirka Wareega ee Xisbiga WADDANI oo hadda ku sugan dalka Canadda, ayaa sheegtay inay dhowaan ka soo noqotay safaro kala duwan oo ay ku soo gaalaa-bixisay dalalka Khaliijka Carabta. Iyadoo halkaas kaga qaybgashay shirar iyo munaasibado ballaadhan oo Xisbiga WADDANI ku yeeshay dalalkaas.
Sidoo kale, Marwo Suhuur Xasan Abiib, waxay Madaxweyne Siilaanyo iyo Xisbigiisa KULMIYE ugu baaqday inay fuliyaan heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee ay la gashay asxaabta mucaaradka iyo beesha caalamka, waxaanay tilmaantay haddii ay xukuumaddu sidiisa u fulin waydo heshiiskii lagu soo af-jaray khilaafkii ka dhashay muddo kordhintii loo sameeyey Xukuumadda Siilaanyo ay taasi wax weyn u dhimi doonto sumcadii iyo Dimuquraadii ay Somaliland beesha caalamka kaga kasbadtay meeqaamka aad u sareeya. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|