Ambassador Suhuur X Abiib Oo Shaaca Ka Qaaday Inuu Xafiiskeedu Bilaabay Olole Xoogan Oo Ay Ku Doonayso Inuu Xisbigeedu WADDANI Ku Guulaysto Hogaanka Dalka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ambassador Suhuur X Abiib Oo Shaaca Ka Qaaday Inuu Xafiiskeedu Bilaabay Olole Xoogan Oo Ay Ku Doonayso Inuu Xisbigeedu WADDANI Ku Guulaysto Hogaanka Dalka.
July 2, 2015 - Written by Editor:

Toronto [Wajaalenews]- Ambassador Suhuur Xasan Abiib, isla markaana ah

Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee Waqooyiga Ameerika ee Xisbiga

Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa shaaca ka qaaday inuu Xafiiskeedu

bilaabay olole xoogan oo ay ku doonayso, kuna dar-dar-galinayso sidii

uu Xisbiga WADDANI ugu guulaysan lahaa hogaanka dalka doorashadda

Madaxtooyadda ee la filayo inay dalka ka dhacdo.

 

Safiirka Wareega ee Xisbiga WADDANI oo hadda ku sugan dalka Canadda,

ayaa sheegtay inay dhowaan ka soo noqotay safaro kala duwan oo ay ku

soo gaalaa-bixisay dalalka Khaliijka Carabta. Iyadoo halkaas kaga

qaybgashay shirar iyo munaasibado ballaadhan oo Xisbiga WADDANI ku

yeeshay dalalkaas.

 

Sidoo kale, Marwo Suhuur Xasan Abiib, waxay Madaxweyne Siilaanyo iyo

Xisbigiisa KULMIYE ugu baaqday inay fuliyaan heshiiskii saddex

geesoodka ahaa ee ay la gashay asxaabta mucaaradka iyo beesha

caalamka, waxaanay tilmaantay haddii ay xukuumaddu sidiisa u fulin

waydo heshiiskii lagu soo af-jaray khilaafkii ka dhashay muddo

kordhintii loo sameeyey Xukuumadda Siilaanyo ay taasi wax weyn u dhimi

doonto sumcadii iyo Dimuquraadii ay Somaliland beesha caalamka kaga

kasbadtay meeqaamka aad u sareeya.

COMMENTS
LINKS