Adeer Khaatumo Seeg Ha Noqon ! W/Q: Sir. Yaasiin Xaaji Cabdi Kaahin (xuubsiibte) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Adeer Khaatumo Seeg Ha Noqon ! W/Q: Sir. Yaasiin Xaaji Cabdi Kaahin (xuubsiibte)
July 18, 2015 - Written by Editor:

Marka hore halkan waxaan uga hambalyaynayaa umadda muslimka ah meel kasto ay joogaan munaasibada ciidul fidriga aw geed, si gaara waxaan ugu hambalyaynayaa shacab weynaha somaliland gudo iyo dibadba waxaan leeyay bisha bisheeda ku gaadha bashbash, barwaaqo, farxad, caafimaad iyo somaliland oo mid ah oo la aqoonsadey.

Yaasiin Xuubsiibte

Intaas markaan kasoo gudbo waxaa igu noqotey lama rumeystaan lama liqaan halka somaliland mareyso maanta oo aynu ka liidano maamul goboleedyada somalia oo qabiil qabiil maanta dalkeenii leysku haysto, siyaasad dibadeed iyo mid gudobana meel aynaan waligeed gaadhin aynu gaadhney maanta oo under zero ah, dulmi badan iyo boob cadaan ah oon leys kalaba gabaneyn oo dalkii ka jira waxaaso dhanna waxaa sabab u ah o dabada ka riixaya ninkii somaliland gacantiisa ku dhisey oo raba maantana inu gacantiisa ku dumiyo oo 25 sano dib inoo celiyo laakiin kama yeelayno mana soconeyso garanna maayo walahi madaxweynaha si ay ka noqotey o marnaba qalbigeyga kumey soo dhicin siilaanyo ayaa digtator ku noqon shacabka somaliland waxaanay u eegtey in dhagta wax loo saaray oo cadowga somaliland adeegsanayaan laakiin ka socon meyso oo waxuu mari doonaa dhabihii siyaad barre maray waa hadaanu dib u eegin hab dhaqanka cusub ee u lasoo baxay.,

Dhanka kale in badan is badalkii aynu raadinaynay oo aynaan ilaahay marnaba ka baryin mid khayr qaba waxaa maanta aynu goosanay midhihii is badalka aynu raadinayay waxa jira dad badan o u barooranaya madaxweyne daahir riyaale kaahin ilaahay cimrigiisa ha raajiyee oo somaliland oo mid ah ka tagay si sharaf lehna kaga tagay waxaan xasuustaa madaxweyne daahir riyaale oo hortiisa iyo gadaashiba wax kasta lagu yidhaa oo xitaa familgiisa la gaadhey oo la caayay hadana hal xidhaalihiisu waxuu ahaa “nin xun iyo nin wanagsanba anaa u madaxweyne ah dulqaadkeedana leh” maantana waxay mareysaa cay daayee haddii siilaanyo la tilmaamo o kalmad la yidhaa inaad dhowr bilood oo jeel ah soo liqdo oo jidh dil kuu dheeryay sidii tigreyga, maanta dalkii hadaad tagtona waxaad moodaa iney xabashi haysato sidey dadku u baqayaan, guntii iyo gabagabadii maanta dalkii badbaado qaran ayuu u baahanyay dulmi badan ayaa dalkii ka jira oo aad u baahsan oo dhan kasta leh hadey noqoto xag cadaaladeed iyo hadey noqoto xag siyaasadeedba.

In kastoo xilkii kaa dhamaadey oo madaxweyne aan lagu odhan karin hadana anoo kugu sharfaya madaxweyne dal iyo dad mideysan ayaa laguu dhiibey ood kala geysay, dhabbe wada qodaxa ayaad haysaa madaxweyne xili aad wada saxdo ood isku soo celisaana kuuma hadhin ee si sharaf leh xilka uga dag waa talo nin kuu naxayaa ku siiyo, madaxweyne maanta waxaa kuu banaan laba dhabe mid uun inaad qaado oo buuga  xusuus qorka kuu gala, inaad qaado dhabihii siyaad barre ood ku danbeyso halkuu maray iyo inaad qaado dhabihii daahir riyaale oo pageka cad e xasuus qorka somaliland wax ku galaan. waxaan kusoo af meerayaa qoraalkeygan madaxweynaha iyo inta ka ag qadhaabaneysaba sharcigu goor u qabtaba u qaban doonaa waanay heli doonaan ciqaabta dilka iyo boobka ay ku hayaan umada.

 

wa bilaahi tawfiiq

 

Sir. Yaasiin Xaaji Cabdi Kaahin (xuubsiibte)

shaks600@yahoo.com

 

COMMENTS
LINKS